Ka digtoonow khiyaanada Suaalaha inta badan laiswaydiiyo

Sideen ku ogaan karaa in la ikhiyaamaynayo?

K
C

Dhacaad-yaqaanno lacag weydii, ama faa'iidooyin kale, oo ay ku jiraan kuwa leh dabeecad galmo
,Iska la beddelka adeegyada, oo ay ku jiraan dib u dejin, diiwaan-gelin, taageero dhaqaale, warqado UNHCR, ama dacwado magangalyo-doonka. Soo jeedintan waxa lagugu samayn karaa si shaqsi ahaan, telefoon ama baraha bulshada, oo ay ku jiraan Facebook, YouTube, ama WhatsApp. Haddii la weydiiyo lacag ama wax kale la weyddiisto habraaca UNHCR, tani waa khiyaamo.

Mararka qaarkood khiyaanoolayaashu waxay iska dhigaan inay matalaan UNHCR si ay u helaan kalsoonidaada. Waxa laga yaabaa inay ku tusaan macluumaadka si ay kaaga dhaadhiciyaan inay ku xidhan yihiin UNHCR.

Dadka beenta caynkaas ah kuu sheegaya waxay raadinayaan inay xaaladdaada ka faa'iidaystaan. Iska ilaali oo ha rumaysanina. Dadkaas waxay rabaan lacagtaada oo kaliya. Digtoonow oo yaan la gu khiyaanayn.

Had iyo jeer xasuuso in dhammaan adeegyada iyo kaalmada ay bixiso UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda ay yihiin lacag la'aan.

Sideen isaga ilaalin karaa in la igu khiyaaneeyo?

K
C

Ha la wadaagin xogtaada shakhsi ahaaneed iyo dukumeentiyadaada, oo ay ku jiraan baasaboor, shahaadooyin, ama dukumeenti aad ka hesho UNHCR cid aan ka ahayn UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda.

Dhammaan adeegyada iyo kaalmada UNHCR iyo la-hawlgalayaasheeda waa bilaash. Ha aaminin cid ama hay'ad kasta oo ku waydiisanaysa inaad lacag ku bixiso adeega UNHCR.

Ha rumaysan qof kasta oo kuweydiista lacag ama wax kaalmo ah, oo ay ku jirto dabeecad galmo, beddelka adeegyada UNHCR, oo isla markiiba u soo sheeg UNHCR.

Maxaa dhacaya haddii aan sameeyo khiyaano?

K
C

Siinta xog been ah UNHCR waa khiyaamo. Waa inaad had iyo jeer siisaa warbixin dhamaystiran oo run ah UNHCR.

Haddii aad ku guul dareysato inaad bixiso macluumaad run ah, oo ay ku jiraan leexinta ama qarinta xaqiiqooyinka ujeedaduna tahay in lagu marin habaabiyo UNHCR, waxaa laga yaabaa inaad la kulanto cawaaqibka soo socda:

  • Waxaa laga yaabaa inaadan u qalmin ilaalinta, gargaarka ama xalalka mustaqbalka fog, oo ay ku jiraan taageerada lacagta caddaanka ah ama dib u dejinta;
  • Eedeymo kasta oo khiyaano ah ayaa lagu qori doonaa faylkaaga;
  • Kiiskaaga aad ayuu dib ugu dhigi karaa inta la baarayo khiyaanada, waana la hakin doonaa inta lagu jiro waqtigan;
  • Wixii diiwaangalin ah oo khiyaano ah oo ku jira faylkaaga waxaa lala wadaagi doonaa wadamada dib u dejinta; Haddii laga shakiyo inaad dembi gashay, tan waxaa lagu wargelin karaa hay'adaha ay khusayso.

Sideen uga warramaa khiyaamada?

K
C

Waxaad u soo gudbin kartaa ashkato ku saabsan qaxootiga ama kuwa kale ee samaynaya khayaanada qaxootiga Malaysia foomamka khiyaanada iyo musuqmaasuqa online ka ah halkan ama email ahaan mlslufrd@unhcr.org.

Haddii aad rabto inaad ka warbixiso anshax-xumada shaqaalaha UNHCR, ama shaqaalaha la-hawlgalayaasha UNHCR ama qandaraaslayaasha, fadlan si degdeg ah ugu soo sheeg Xafiiska Kormeeraha Guud ee UNHCR (IGO) ee xaruntiisa:

Iimayl: inspector@unhcr.org
Online: IGO Online Complaint Form
Boostada: UNHCR, 94 Rue de Montbrillant, 1202 Geneva, Switzerland

ku dhufo halkan si aad u ogaato waxkasta oo ku dhii kara kiiskasta oo loo gudbiyo maamulka guud.

Marka la soo sheegayo khayaanada, waxaa muhiim ah in la bixiyo macluumaadka ugu badan ee suurtogalka ah.Tan waxaa ku jira tafaasiil ku saabsan cidda looga shakisan yahay inay samaysay wax isdaba marin, goorta iyo goobta la sheegay in falkani uu ka dhacay, sida loo aqoonsaday khiyaanada suurtagalka ah, iyo nooca khiyaanada ay noqon karto. Cadaymo kasta oo taageeraya, macluumaadka ku saabsan markhaatiyada, ama tafaasiisha kale ee dhacdada waa in lagu daraa.

UNHCR waxay dacwooyinka oo dhan si dhab ah u qaadaa oo mid walba si gaar ah ula socotaa. Fadlan ogow in dhammaan xiriirka UNHCR lala leeyahay uu yahay mid sir ah. Filing a complaint will not in any way impact your case with UNHCR. Cabashadaada, fadlan keen dhammaan xaqiiqooyinka iyo cadaymaha aad taqaan. Haddii aad bixiso faahfaahinta xiriirkaaga, waan la socon doonnaa cabashadaada.

Cabashooyinka sidoo kale waxaa loo samayn karaa si qarsoodi ah.