“REMEDI Nolosheyda Ayey Badbaadisay”: Sheekada Qaxooti Helay Ilaalin iyo Deganaan Maskaxeed

Friday / 18 July 2025

UNHCR waxay iftiimisay sheekada Cing Deih Nem, qaxooti nolosheeda si weyn u beddeshay markii ay heshay caymis caafimaad oo la awoodi karo iyada oo loo marayo barnaamijka Caymiska Caafimaadka Qaxootiga (REMEDI).

Markii Cing Deih Nem ay ka tagtay gurigeedii Myanmar sanadkii 2014, waxay dooneysay badbaado iyo fursad ay nolosheeda dib uga dhisto Malaysia. Maanta iyadoo ku nool Selangor, ma aysan ogeyn in dhibaato caafimaad oo lama filaan ah bishii Diseembar 2024 ay tijaabin doonto adkaysigeeda — isla markaana ay ku muujin doonto qiimaha dhabta ah ee caymiska REMEDI, oo ah qorshaha caymiska caafimaad ee keliya ee ay UNHCR ku taageerto Malaysia si loogu adeegto qaxootiga iyo magangalyo-doonayaasha..

Maalin subax ah ayay bilaawday inay qufacdo isla markaana dareento ciriiri aan caadi ahayn oo xabadkeeda ah. Waligeed hore uma aysan la kulmin dhibaato sidan oo kale ah. Isbitaal yar ee u dhow ayaa u qoray daawo, balse xaaladdeedu waxay kasii dartay dhowr maalmood gudahood.

“Ciriiriga aan ku dareemayay xabadka wuu kasii darayay, waxaana bilaabay inaan cabsi dareemo,” ayay tiri iyadoo xasuusanaysa.

Markii ay dib ugu noqotay xarunta caafimaadka, dhakhtarku wuxuu ka shakiyay neefta (asthma), wuxuuna kula taliyay inay si degdeg ah isbitaalka ugu tagto. Iyadoo og inay awoodi karin kharashka isbitaalka khaaska ah, Cing waxay doortay inay tagto isbitaal dowladeed — balse weligeed hore isbitaal uma aysan tegin, mana ogeyn waxa ay filan karto.

“Markii hore waxay ii sheegeen inaan bixinayo lacag deebaaji oo aad u badan. Waan argagaxay markaas ayaan wacay hoggaamiyahayga bulshada,” ayay tiri. “Markii uu yimid, wuxuu i weydiiyay haddii aan haysto REMEDI. Markaas ayaan xusuustay — dhowr bilood ka hor ayaan iska diiwaangeliyay.”

Xusuustaasi waxay keentay nafis weyn. Kaarka REMEDI oo gacanteeda ku jira, Cing waxaa lagu oggolaaday inay isbitaalka ku seexato iyadoo aan ka walwalin lacagta deebajiga. Dhakhaatiirtu waxay xaqiijiyeen in astaamaha neeftu kasii darayeen oo ay u baahan tahay daryeel degdeg ah — oo ay ku jiraan daawo duritaan ah iyo taageero oksijiin.

“Maalmo kadib waxaan bilaabay inaan ka soo fiicnaado, laakiin waxaan bilaabay inaan ka walwalo kharashka. Waxaan rabay in si degdeg ah layga saaro isbitaalka sababtoo ah waxaan u maleeyay inaanan awoodi doonin bixinta biilka.”

Nasiib wanaag, iyadoo haysata dukumentiyada UNHCR, waxay xaq u yeelatay 50% qiimo dhimis ah oo isbitaalka dowladda ah. Hase yeeshee, iyadoo aan caymis caafimaad haysan, ma awoodi lahayn inay bixiso 50% ka hadhay. Laakiin mahadnaq REMEDI, kharashkii soo haray gebi ahaanba waa la bixiyay.

“Markii ay ii sheegeen in kharashka isbitaalka REMEDI inoo bixinaayo, waxaan ku ooyay miiska bixinta. Waan naxsanaa Waxaan moodayay in REMEDI keliya bixinaayo lacagta deebaajiga!”

Muddo lix maalmood ah kadib, Cing waxay gurigeeda ugu noqotay caafimaad qab iyo mahadnaq dheer — ma ahan oo keliya bogsashadeeda, balse sidoo kale xasiloonida dhaqaale ee REMEDI siisay xilligii ay ugu baahnayd.

“REMEDI si dhab ah ayuu noloshayda u badbaadiyay. Haddii uusan jiri lahayn, laga yaabee inaanan maanta noolaan lahayn.”

Khibraddaasi waxay ku dhiirrigelisay inay noqodo qof u dooda arrintan. Waxay sheekadeeda ku wadaagtay Facebook waxayna bulshada kaniisaddeeda kula hadashay muhiimadda caymis caafimaad.

“Qaar ka mid ah dadka waxay yiraahdeen waa qaali, laakiin anigu taas ma qabo. Waa kaliya RM183.60 sanadkii. Taasi waa wax aad u yar marka la barbardhigo waxa aan bixin lahaa. Waxaan lacag ka amaahday walaalkay si aan u bixiyo — aniguna waxaan ku qanciyay inuu isaguna iska diiwaangeliyo.”

REMEDI waxaa lagu sameeyay iskaashi ka dhexeeya UNHCR iyo Allianz si loogu faa’iideeyo qaxootiga iyo magangalyo-doonayaasha caymis caafimaad oo la awoodi karo, si loogu daboolo kharashaadka lama filaanka ah ee isbitaalka ama shilalka ka dhaca isbitaallada dowladda. Qorshahan waxaa loo furay shakhsiyaadka diiwaangashan ee UNHCR, da’dooduna u dhexeyso 18 ilaa 60 jir. REMEDI waxay bixisaa ilaalin iyo deganaan maskaxeed, si qaxootigu aanay uga walwalin xaaladaha caafimaad ee lama filaanka ah iyo kharashaadka culus ee ka dhalan kara.

“Inaan haysto REMEDI waxay iga dhigaysaa inaan dareemo badbaado. Ma aqaan waxa berri dhici doona — laga yaabee inaan mar kale xanuunsado ama shil galo. Laakiin waan ogahay REMEDI inay halkaas ii joogto haddii ay dhacdo.”

Nolosha oo ay ka buuxdo hubanti la’aan, Cing Deih Nem waxay ka heshay wax ka badan daryeel caafimaad — waxay ka heshay kalsooni, sharaf iyo xoog ay ku sii socoto.

“Qaxooti walba wuxuu u baahan yahay REMEDI. Maanta.”

 

Si aad wax badan uga ogaato REMEDI, booqo

Refugee Malaysia | REMEDI.

Si aad u iibsato REMEDI, la xiriir wakiilka caymiska WhatsApp (Jason: 017-381 8310)

*Magaca waa la beddelay si loo ilaaliyo asturnaanta





Share