Hanuuninta Dhaqanka
Muhiimadda Hanuunita Dhaqanka
Malaaysiya waa dal khas ah oo leh luqad, dhaqan, xeer iyo sharciga u gaar ah Qaxootiga iyo magangelyo-doonka ku nool Malaysia waxay ka yimaadeen asalka iyo bulshooyin aad u kala duwan, badankoodna waxay ku hadlaan luqado kala duwan, waxayna ku dhaqmaan diimo, dhaqan, caadooyin iyo sharciyo ka duwan kuwa ay leeyihiin dadka Malaysianka ah. Marar badan, sababo la xiriira silcinta iyo khatarta degdegga ah ee ay ku wajahaayeen dalalkoodii hooyo, waxaa lagu qasbaa inay si degdeg ah u cararaan iyaga oo aan haysan fursad ay ku fahmaan ama ku bartaan dhaqanka, caadooyinka iyo shuruucda dalka ay magangelyada ka raadsanayaan.
Inta ay ku nool yihiin Malaysia, waxaa muhiim ah in qaxootiga iyo magangelyo-doonku ay bartaan dhaqanka, caadooyinka iyo shuruucda dalka Malaysia. Tani waxay xoojisaa is-ixtiraamka labada dhinac waxayna ka hortagtaa isfaham la’aanta u dhexeysa qaxootiga, magangelyo-doonka iyo dadka deegaanka.
Fahamka dhaqamada, diimaha, caadooyinka iyo shuruucda dalalka ay ku sii hakadaan wuxuu sidoo kale fududeyn karaa oo sahli karaa geeddi-socodka la-qabsiga marka ay tagaan dalal kale.
The Module
UNHCR Malaysia waxay diyaarisay Cutubka Barashada Dhaqanka si ay hage ugu noqoto qaxootiga iyo magangelyo-doonka, una fahmaan dhaqanka, caadooyinka iyo shuruucda dalka Malaysia Cutubkani wuxuu daboolayaa macluumaad aasaasi ah oo muhiim u ah isla markaana khuseeya qaxootiga iyo magangelyo-doonka.
Waxaa horey loo diyaariyey 9 mowduuc oo leh agab dheeraad ah si ay u hagaan dadka fududeeya tababarka. Qaar ka mid ah cutubyada waxaa lagu diyaariyey iskaashi ay UNHCR la leedahay bah-wadaaggeeda, ururrada aan dawliga ahayn (NGO-yada), hay’adaha tacliinta sare, iyo daneeyeyaasha kale ee ku sugan Malaysia. Nuxurka dhammaan mowduucyadu wuxuu ku habboon yahay dhammaan qaxootiga ku nool Malaysia, iyadoo sawirrada bandhigga (slides) ee mid kasta lagu daray qoraallo hagaya qofka soo bandhigaya.
Hagaha Mulimaka

Ku nool Malaysia
Nadaafadda
Hagaha Qaxootiga Muslimka ah: Ciidul-Adxaa

Fahamka Xaqiiqooyinka Sharci ee Malaysia

Sida Ammaan Loogu Noolaado Malaysia

Aqoon Maaliyadeed: Fahamka Arrimaha Lacagta

Adeegsiga Gaadiidka Dadweynaha ee Malaysia

Guurka Carruurta

Sida Loo Adeegsado Cutubyada
Cutubkani waa agab dadweyne oo bilaash ah.
Waad soo dhoweysan tahay inaad:

- Cutubka u adeegsato barasho adiga kuu gaar ah; ama

- Ama u isticmaasho abaabulka koorso Barashada Dhaqanka ah oo loogu talagalay bulshada qaxootiga ee ku nool Malaysia.
Agabka La Xiriira Cutubka Barashada Dhaqanka