Ilaalinta sharciga suaalaha iswaydiinta badan

Xariga iyo haynta

Saxiibkay/bulshada qof kamida ayaa la xiray Sideen ugu soo gudbiyaa UNHCR?

K
C

Waxaad ka warbixin kartaa adigoo isticmaalaya kanaalada soo socda:

  • Foomka Warbixinta Xariga iyo Haysashada
  • Khadka Qabashada iyo Haynta (Telefoonkan waxa uu qaataa wicitaanada Ingiriisida iyo Malayga kaliya)

Fadlan ha ka waramin xadhiga isla shaqsiyaad iskumida iyada oo loo marayo wadooyin badan, sababtoo ah tani waxay hoos u dhigi kartaa jawaabta UNHCR. Markaad xeraynayso warbixinta xadhiga iyo haynta, fadlan ku dar:

  • Magacaaga, UNHCR fayl numberkaaga iyo meelaha lagaalasoo xidhiidhayo.
  • Shaqsiyaadka la xidhay, Magaca, da'a da, Jinsiga, iyo UNHCR fayl numberkeeda/kiisa (Hadii ladiwaan galiyey)
  • Marka la helo: nambarka maxbuuska, goobta lagu hayo, taariikhda la xiray, sababta loo xiray, hey'adda xiritaanka (haddii ay tahay socdaalka, booliska, ama kuwa kale), taariikhda maxkamadda, nooca eedda, iyo goobta maxkamadda (haddii shaqsiga lagu soo oogay)

Intee in leeg bay ku qaadanaysaa UNHCR inay kasoo dayso xarunta lagu hayo qofka xiran?

K
C

UNHCR waxay qaaddaa tallaabo degdeg ah markaan helno warbixin ku saabsan xarig ama haynta, oo ay ku jirto u doodista mas'uuliyiinta ka dhanka ah xarigga ama haynta magan-galyo-doonka iyo qaxootiga. Iyadoo UNHCR ay mudnaanta siineyso sii deynta shaqsiyaadka nugul, go'aanka sii deynta maxbuus kasta waxaa leh gebi ahaanba mas'uuliyiinta Malaysia.

Dib-u-celinta / Masaafurinta

Saxiibkay/ qoyskayga qofkamid ah ayaa la tarxiilay maxaan sameeyaa?

K
C

Fadlan ku wargeli UNHCR isla markaaba adigoo isticmaalaya foomka Warbixinta Xariga iyo Haynta ama adigoo wacaya khadka Taleefanka ee Qabashada iyo Haynta.

Bixi macluumaadka ugu badan ee suurtogalka ah, sida magaca iyo lambarka faylka UNHCR ee shakhsiga (dadka), taariikhda la filayo in la tarxiilo, meesha hadda lagu hayo, lambarka hadda jira, haddii tigidhada duulimaadka la iibsaday, iyo haddii uu shakhsigu ogolaaday inuu dalka ka baxo.