TNG eWallet iyo UNHCR waxay saxeexeen MOU Maalinta Qaxootiga Adduunka si kor loogu qaado ka mid noqoshada maaliyadeed ee qaxootiga Malaysia

Monday / 24 June 2024

TNG Digital SDn. Bhd. (TNG Digital) oo ah hawl wadeenka TNG eWallet, ayaa kala kaashanaya UNHCR sidii loo soo afjari lahaa farqiga dhaqaale ee ka mid noqoshada qaxootiga iyo magangelyo-doonka. Waxaa dhacay saxiix MOU si loogu xuso iskaashiga kaas oo lagu dhawaaqay iyadoo lala kaashanayo Maalinta Qaxootiga Adduunka. Baahinta adeegyada qaxootiga iyo magangelyo-doonka ayaa la filayaa in la bilaabo rubuci ugu dambeeyay ee 2024ka.

[Photo from left to right] Thomas Albrecht, Wakiilka UNHCR, iyo Alan Ni, madaxa fulinta ee TNG Digital. TNG Digital Sdn Bhd iyo UNHCR ayaa kala saxiixday heshiis is afgarad ah oo ay ku mideynayaan xoogaga wax ka qabashada faraqa maaliyadeed ee qaxootiga iyo magangalyo-doonka Malaysia.

TNG Digital waxaa ka go’an inay kor u qaaddo ka mid noqoshada dhaqaale ee dhammaan, gaar ahaan qaxootiga iyo magangalyo-doonka waxayna rabtay inay ku xoojiso bulshooyinka qaxootiga agabka maaliyadeed ee qaxootiga iyo magangelyo-doonku u baahan yihiin si ay u dhistaan nolol xasilloon, isku filan.

Qaxootiga iyo magangalyo-doonka, helitaanka adeegyada maaliyadeed ee muhiimka ah ayaa weli caqabad ku ah Malaysia. UNHCR waxa ay iftiimisay caqabadaha ay qaxoontiga la kulmaan marka ay timaaddo helitaanka adeegyada maaliyadeed waana qayb muhiim ah oo lagu gaadho ilaalinta iyo xalalka mustaqbalka fog ee qaxootiga.

Wadashaqeyntan waxay ujeedadeedu tahay in si weyn loo kordhiyo helitaanka adeegyada maaliyadeed ee muhiimka u ah qaxootiga iyo magangelyo-doonka, kuwaas oo faa’iido u yeelan kara qaxootiga iyo bulshada martida loo yahay.

Si aad wax badan uga ogaato TNG Digital, booqo shabakadooda halkan.



Share