Nidaamka habraaca caadiga ah ee loo soo gaabiyo (SOPs)

la cusbooneysiiyay: 25 Nofeembar 2021

Dawladda Malaysia waxay ku dhawaaqday bishii Juun 2021 in Qorshaha Soo kabashada Qaranku uu u dhici doono afar waji. Qorshaha Soo kabashada Qaranku wuxuu ku salaysan yahay saddex tilmaamayaal:

  • Tirada maalinlaha ah ee caabuqa COVID-19
  • Tirada sariiraha buuxsamay ee waadhadhka qaybta daryeelka degdega ah (ICU)
  • Boqolkiiba dadka la tallaalay

Fadlan u hugaansan Nidaamka Habraaca (SOPs) ee Dowladda Malaysia si loo yareeyo kororka caabuqyada COVID-19.

Wajiga 1

si lamid ah Amarkii Xakameynta Dhaqdhaqaaqa ee koobaad MCO ee lagu dhawaaqay Maarso 2020, taas oo wadata xayiraad adag oo lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa iyo xirnaanshaha guud oo dhammaan waaxaha nolosha marka laga reebo waaxaha muhiimka ah ee dhaqaalaha iyo adeega.

Waxbarashada fogaan araga

Waxbarashada fogaan araga (Virtual) keliya.

Hawlaha bulshada

Lama ogolo wax dhaqdhaqaaqa bulsho ah

Baabuurta Rakaabka

Looma ogolo wax kabadan 2 qof oo rakaab ah inay raacaan baabuur

Adeegyada Asaasiga ah

Si lo ogolaado adeegyada aasaasiga ah in ay shaqeeyaan 8 subaxnimo ilaa 8 fiidnimo.

Isaga gooshida gobalada

Lama ogolo isaga gooshidda gobalada

Wajiga 2

Dawladdu waxay ka fiirsan doontaa inay u gudubto Wajiga haddii kiisaska maalinlaha ah ee COVID-19 ay ka hoos maraan 4,000, nidaamka daryeelka caafimaadku hadda kuma jiro xaalad halis ah oo 10% dadweynaha ayaa si buuxda loo tallaalay.

Ku noqo iskuulka

Keliya fasallada imtixaanka ayaa ku noqon kara iskuulka

Hawlaha bulshada

Lama ogolo wax dhaqdhaqaaqa bulsho ah

Baabuurta Rakaabka

Looma ogolo wax kabadan 2 qof oo rakaab ah inay raacaan baabuur

Ciyaaraha banaanka ee aan istaabashada lahayn

Keliya ciyaaraha banaanka ee aan istaabashada lahayn ayaa la oggol yahay

Isaga gooshida gobalada

Lama ogolo isaga gooshidda gobalada

Wajiga 3

Dawladdu waxay ka fiirsan doontaa inay u gudubto Wajiga 3 haddii kiisaska maalinlaha ah ee COVID-19 ay ka hoos maraan 2,000, nidaamka daryeelka caafimaadku wuxuu ku shaqeynayaa heer raaxo leh oo 40% dadweynaha ayaa si buuxda loo tallaalay.

Ku noqo iskuulka

Keliya fasallada imtixaanka ayaa ku noqon kara iskuulka

Fadhiga Maqaayada (Dine-in)

fadhiga maqaayada waxaa loo ogol yahay dadka si buuxda u talaalan

Ciyaaraha aan istaabashada lahayn

Dhamaan ciyaaraha aan istaabashada lahayn waa la ogolyahay

Baabuurta Rakaabka

3 qof qoyskiiba ayaa aadi kara banaanka

Isaga gooshida gobalada

Lama ogolo isaga gooshidda gobalada

Wajiga 4

Marka kaysaska maalinlaha ah ee COVID-19 uu hoos uga dhaco 500, nidaamka daryeelka caafimaadku waa deggan yahay, oo 60% dadka si sax ah loo tallaalay, dawladdu waxay tixgelin doontaa inay u gudubto Wajiga 4.

Isku imaatin diimeed

Isku imaatin diimeedyada waa la ogolyahay

Hawlaha bulshada

Hawlaha bulshada waxaa loo ogol yahay 50% baaxad ahaan

Fadhiga Maqaayada (Dine-in)

fadhiga maqaayada waxaa loo ogol yahay dadka si buuxda u talaalan

Isaga gooshida gobalada

Isaga gooshida gobolada waxaa loo ogol yahay dadka si buuxda u talaalan

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan Qorshaha Soo kabashada Qaranka ayaa laga heli karaa Halka.

Af-xir ama Maaskaro

Fadlan ogow inay tahay qasab in la xirato maaskaro/af-xir marka aad joogto goobaha dadweynaha ama banaanka. Maaskarada/af-xirka waxaa la iska saari karaa oo keliya:

  • Marka aad guriga la joogto keliyah xubnaha qoyska.
  • Inta aad la joogto xubnaha qoyska hudheelada ama hoyga oo keliya.
  • Marka aad kali ku tahay goobta shaqada.
  • Inta aad sameynayso jimicsiga ama hawlaha madadaalada (gudaha ama banaanka), taas oo ay tahay in KELI la sameeyo.
  • Baabuurka ay kula saaranyihiin xubnaha qoyska keliya.
  • Gudaha ama dibada ayada oo ayna kula soconin shaqsiyaad kale.
  • Inta aad cunayso ama cabayso.