Ka Digtoonow Akoonnada Facebook oo Been Abuurka ah ee Isku Dayaya Inay Isku Muujiyaan UNHCR Malaysia

Tuesday / 23 December 2025

UNHCR Malaysia waxay leedahay hal akoon Facebook oo rasmi ah oo keliya
(
www.facebook.com/UNHCRMalaysia). Ma isticmaalno Facebook si looga wada hadlo xaaladaha gaarka ah ee qaxootiga.

Waxaa naloo sheegay jiritaanka akoontyo iyo qoraallo Facebook ah oo si been ah u sheeganaya inay matalayaan UNHCR Malaysia. Akoon kale oo wax xiriir ah la leh UNHCR ma jiro, waxaana si been ah loogu ekaysiinayaa UNHCR iyo/ama hoggaamiyeyaasha bulshada. Waxay dadweynaha marin habaabiyeen iyagoo wadaagaya sawirro laga soo qaaday bulshooyinka qaxootiga, shaqaalaha UNHCR, iyo hay’adaha NGO-yada la shaqeeya, si ay u abuuraan sawir been ah oo UNHCR ah.

Shakhsiyaadka ka dambeeya akoonnadan waxay isticmaalayaan aqoonsiga qof kale, wax xiriir ahna lama laha UNHCR, mana haystaan wax oggolaansho ah oo ay ku caawin karaan diiwaangelinta, go’aaminta xaaladda qaxootinimada (RSD), ama habraacyada dib-u-dejinta. Fadlan ha wadaagin macluumaadkaaga shakhsiyeed hana bixin wax lacag ah oo ay codsadaan.

Sida Loo Soo Wargeliyo Akoonka Been-abuurka ah

Waxaan kugu dheerigilinaynaa inaad si toos ah Facebook ugu sheegto akoonkan adoo adeegsanaya agabyadan soo socda:

Xusuusin Muhiim ah

  • Dhammaan adeegyada UNHCR waa LACAG LA’AN, oo ay ku jiraan dukumeentiyada UNHCR, diiwaangelinta, go’aaminta xaaladda qaxootiga (RSD), iyo dib-u-dejinta.
  • Ka feejigno qof kasta oo sheegaya inuu ka caawin karo dib-u-dejinta ama hababka kale ee UNHCR isagoo ku beddelaya lacag ama adeegyo.
  • Haddii aad la kulanto qof ama dad sheegaya arrimaha noocaas ah, fadlan u soo wargeli:
    • Xarunta Ka-hortagga Khiyaanada ee CCID ee Booliska: 03-26101559 / 03-26101599
    • UNHCR: Soo gudbi warbixin adigoo adeegsanaya foomkan

Soo sheegista dhaqdhaqaaq shaki leh ma saameyn doonto kiiskaaga. Dukumeentigaaga UNHCR lama kansalayn doono mana dib u dhici doono ama lama xidhmi doono kiiskaaga sabab la xiriirta soo sheegista khiyaano.

Si aad u hesho macluumaad sax ah oo ku saabsan adeegyada iyo hababka UNHCR, fadlan booqo Refugee Malaysia website.



Share