UNHCR Malaysia ma laha akoon TikTok. Dhammaan akoonnada TikTok ee sheegaya inay ka socdaan UNHCR waa been-abuur.
Waxaan ka war helnay akoon TikTok oo khiyaano ah@unhcr.refugeemalaysia, kaas oo si been abuur ah u sheegaya inuu matalayo UNHCR Malaysia. Akoonkani wax xiriir ah kuma laha UNHCR, wuxuuna dadweynaha marin habaabiyay isagoo la wadaagaya sawirro ka socda bulshooyinka qaxootiga, shaqaalaha UNHCR, iyo bah-wadaagaha NGO-yada si uu u abuuro sawir been abuur ah oo ku saabsan UNHCR.



Dhammaan akoonnadan waa been-abuur. Qofka ama dadka ka dambeeya akoonnadan ma laha wax xiriir ah oo ay la leeyihiin UNHCR mana loo oggola inay ka caawiyaan diiwaangelinta, Go’aaminta Xaaladda Qaxootiga (RSD), ama hababka dib-u-dejinta. Fadlan ha wadaagin macluumaadkaaga shakhsiyeed hana bixin wax lacag ah oo ay codsadaan.
Sida Loo Soo Wargeliyo Akoonka Been-abuurka ah
Waxaan kugu boorinaynaa inaad si toos ah akoonkan ugu soo wargeliso TikTok adigoo adeegsanaya agabkan soo socda:
- TikTok: Soo Wargeli Isticmaalah
- Hagaha YouTube: Sida loo Soo Wargeliy TikTok
Xusuusin Muhiim ah
- Dhammaan adeegyada UNHCR waa LACAG LA’AN, oo ay ku jiraan dukumeentiyada UNHCR, diiwaangelinta, go’aaminta xaaladda qaxootiga (RSD), iyo dib-u-dejinta.
- Ka feejigno qof kasta oo sheegaya inuu ka caawin karo dib-u-dejinta ama hababka kale ee UNHCR isagoo ku beddelaya lacag ama adeegyo.
- Haddii aad la kulanto qof ama dad sheegaya arrimaha noocaas ah, fadlan u soo wargeli:
- Xarunta Ka-hortagga Khiyaanada ee CCID ee Booliska: 03-26101559 / 03-26101599
- UNHCR: Soo gudbi warbixin adigoo adeegsanaya foomkan
Soo sheegista dhaqdhaqaaq shaki leh ma saameyn doonto kiiskaaga. Dukumeentigaaga UNHCR lama kansalayn doono mana dib u dhici doono ama lama xidhmi doono kiiskaaga sabab la xiriirta soo sheegista khiyaano.
Si aad u hesho macluumaad sax ah oo ku saabsan adeegyada iyo hababka UNHCR, fadlan booqo Refugee Malaysia website.
