Fiiro gaar ah: Maaskarada wejiga – 1-da Ogosto 2020

Saturday / 25 July 2020

Kor u kaca kiisaska COVID-19 awgood, Dowladda Malaysia waxay ku dhawaaqday in ay qasab tahay xirashada maaskarada/afxirka ee goobaha dadweynaha laga bilaabo 1 Ogosto 2020. Kuwa aan u hogaansamin waxaa lagu ganaaxi karaa RM1,000 ama la dhigi xabsi.

Malaysia waxay wali kujirtaa Kasoo-kabashada Amarka Xakamaynta Dhaqdhaqaaqa (RMCO), waxaana talaabo adag laga qaadi doonaa kuwa jabiya shuruudaha RMCO. Fadlan sii wad inaad ku dhaqanto tallaabooyinka loogaga hortagayo inuu faafo COVID-19, sida kala fogaanshaha bulshada, u dhaqida gacmahaaga si joogto ah, iyo hubinta adeegsiga habboon ee maaskarada/afxirka wejiga.



Share