Koofidh 19aad
Cudurka Karonafayris (COVID-19) waa cudur faafa oo uu sababo Karonafayris cusub ee dhowaan la helay.
Inta badan dadka uu ku dhaco fayraska COVID-19 waxay la kulmi doonaan jirro neefmareen oo fudud ama mid dhexdhexaad ah waxayna ka bogsoodaan iyagoon u baahanin daaweyn gaar ah. Dadka da’da ah, iyo kuwa la il daran dhibaatooyin caafimaad sida cudurada wadnaha, sokorowga, cudurada neefmareenka ee raaga, iyo kansarka waxay u badan yihiin inay qaadaan cudur halis ah.
Sida ugu wanaagsan ee looga hortagi karo loona dhimi karo gudbinta waa in si wanaagsan looga warqabo virus-ka COVID-19, cudurka uu keeno, iyo sida uu u faafo. Ka ilaali naftaada iyo dadka kalaba caabuqa adiga oo dhaqaya gacmahaaga ama si joogto ah u isticmaalaya nadiifiyaha ka sameysan aalkolada oo aanan taabaneynin wejigaaga.
Fayraska COVID-19 wuxuu ku faafaa ugu horreyn dhibco candhuuf ama dheecaan ka soo baxa sanka marka qof qaba cudurka uu qufaco ama hindhiso, marka waa muhiim inaad sidoo kale ku dhaqanto anshaxa neefsashada (tusaale ahaan, adigoo ku qufacaya xusulka laaban).
KA HORTAGGA
Si looga hortago infekshinka oo aad u yareyso gudbinta COVID-19, samee waxyaabaha soo socda:
- Si joogto ah ugu dhaq gacmahaaga saabuun iyo biyo ama ku nadiifi adoo isticmaalaya nadiifiyaha ka sameysan aalkolada.
- Joogtee ugu yaraan 1 mitir inta u dhexeysa adiga iyo dadka qufacaya ama hindhisaya.
- Iska ilaali taabashada wejigaaga.
- Dabool afkaaga iyo sankaaga marka aad qufacayso ama hindhisayso.
- Joog guriga haddii aad dareento in aanad fiicneyn.
- Ka fogow sigaar cabista iyo howlaha kale ee wiiqa ama yareeya tabarta sambabaha.
- Ku dhaqan kala fogaanshaha jirkeed adiga oo iska ilaalinaya safarka aan loo baahneyn kana fogaanaya isku imaatinada badan ee dadka.
Astaamaha
Caabuqa COVID-19 wuxuu siyaabo kala duwan u saameeyaa dad kala duwan. Inta badan dadka uu ku dhaco waxay muujiyaan jiro khafiif ama dhexdhexaad ah oo waxay ka bogsoodaan ayagoon wax isbitaal ah la dhigin.
Calaamadaha ugu badan:
- Qandho.
- Qufac qallalan.
- Daal.
Calaamadaha aan caanka ahayn:
- Garaac iyo xanuun.
- Cuna xanuun.
- Shuban.
- Indho casaan.
- Madax xanuun.
- Dhadhanka ama urta oo kaa luma.
- Furuuruc maqaarka ku yaal, ama midab-doorsoon ku dhaca faraha gacmaaha ama lugaha.
Calaamadaha halista ah:
- Neefsashada oo dhib kugu ah ama neefta oo ku qabata.
- Xabad xanuun ama cadaadis.
- Hadalka ama dhaqdhaqaaqa oo kaa luma.
Raadso daryeel caafimaad oo degdeg ah haddii aad leedahay astaamaha halista ah. Had iyo jeer wac kahor booqashada dhakhtarkaaga ama xurunta caafimaadka.
Dadka leh astaamaha khafiifka ah kuwaas oo haddi kale caafimaad qaba waa inay ku maareeyaan astaamahooda guriga.
Celcelis ahaan waxay qaadataa 5-6 maalmood laga bilaabo marka qof uu ku dhaco fayrasku si astaamaha u soo muuqdaan, hase yeeshe waxay qaadan kartaa ilaa 14 maalmood.
Matahay qabe cabuuqa COVID-19 oo gurigana ku nool?
- Joog qol gooni ka ah xubnaha kale ee guriga . Xitaa ka sii fiican haddii qolku leeyahay musqul u gaar ah.
- ka warqab oo la soco naftaada wixii calaamada ah ee kusoo kordha maalin kasta. Wac 999 haddii calaamadahaagu ay ka sii daraan (neefsashada oo kugu adkaata ama qandho badan)
- Haddii ay qasab tahay inaad la wadaagto musqusha, hubi in musqusha la nadiifiyo oo jeermiska laga dilo isticmaal kasta ka dib.
- Gamcahaaga si joogto ah ugu maydh biyo iyo saabuun ama isticmaal gamco nadiifiye.
- Xiro af-xir/maaskaro oo hubi inay jirto kala fogaansho jireed oo 1-2 mitir ah ee xubnaha kale ee guriga.
Xigasho: Wasaarada Caafimaadka Malaysia
Tallaalka
Cudurka faafa ee COVID-19 wuxuu muujiyey in innaga, caalamka oo dhan marka la eego, aan kaliya badbaadi karno haddii qof walba lagu daro oo la ilaaliyo. Tallaalku waa mid ka mid ah hababka inaga caawin kara xakameynta aafadan. Tallaalku wuu shaqeeyaa isaga oo ka ilaalinaya adiga iyo qofka aad jeceshahayba inay ku dhacdo dhibaatooyin daran oo ka dhasha infekshinka COVID-19.
Dadka waayeelka ah iyo dadka la il daran xaalado caafimaad daro sida dhiig karka, sonkorowga, cudurada sanbabada iyo wixii la mid ah ayaa si gaar ah ugu nugul inay muujiyaan adadeyg caafimaad daro oo daran oo ay ugu wacan tahay COVID-19. Sidaa darteed, waxaa si weyn loogu dhiirigelinayaa qof walba in la tallaalo. Fadlan booqo xaruntaada caafimaad ee kuugu dhow si aad u hesho tallaal COVID-19 bilaash ah.