Xalalka Qaxootiga

Ma ku laaban karaa wadankee mise waa la dib u dejin?

Dib u dajinta UNHCR

Su’aalaha Badanaa La Waydiiyo

Xagee ka helaa macluumaad kusaabsan dib udajinta wadanka sedexaad ii ku jirtaa waajibaadka UNHCR?

Buug-gacmeedka Dib-u-dejinta ee UNHCR wuxuu bixiyaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan siyaasad iyo Hab dhaqanka dib u dejinta ee UNHCR. Dawladaha Dib-u-dejintu waxay ku sharraxeen siyaasaddooda iyo barnaamijyadooda cutubyada u gaarah dawlad kasta. Buugga Dib -u -dejinta waa dokumenti dadweyne waxaana laga heli karaa: https://www.unhcr.org/46f7c0ee2.pdf
Dib-u-dejinta ‘Qeybaha Soo Gudbinta’ waxaa lagu sharaxay Cutubka 6-aad ee Buug-gacmeedka Dib-u-dejinta ee UNHCR. Waxaad ka akhrisan kartaa cutubkan adigoo gujinaya Linkigan soo socda: https://www.unhcr.org/3d464e842.html

waa goorma maalmaha uu hawlgalo miiska su’aal-weydiinta ee waaxda Xalalka waara (DSU) ee UNCHR ka?

Miiska waaxda Xalalka waara (DSU) si joogto ah uu u xiranyahay. Waxaan kaa codsaneynaa dulqaad maadaama UNHCR ay dooneyso inay soosaarto habab wax ku ool ah oo lagu maareeyo weydiimaha.

Sideen ula xiriiraa waaxda Xalalka waara si aan ugala hadlo arrinkayga?

Looma baahna inaad si shaqsi ahin u tagto xafiiska ama u diro waraaqo, fakis ama emayl. Hase yeeshe, waa mid aad muhiim inaad faahfaahinta xiriirkaaga- lambarrada taleefanka (sidoo kale fadlan sheeg haddii aad isticmaasho Whatsapp) iyo cinwaannada emaylkaa la cusbooneysiiso UNHCR, si xafiisku ballan kuugu la qabsado markasta oo loo baahdo.

Haddii kiiskeyga waaxda Xallinta Waara (DSU) baaraandegiso oo loo gudbiyey oo loo gudbiyo Ameerika, yaan kala xiriirikaraa wixii Cusb.

Xarunta Taageerada Dib-u-dejinta (RSC) waxay u shaqaysaa Dawladda Maraykanka oo waxay ka caawisaa qaxootiga inay dhammaystiraan codsiyada dib-u-dejinta si ay tixgeliyaan saraakiisha Mareykanka. Waxaad la xiriiri kartaa Xarunta Taakulaynta Dib-u-dejinta adoo wacaya +60321415846 ama u soo dir iyaga emayl ahaan KLInquires@rescue.org.

Wareysiga diiwaangelinta ka dib, intee in le’eg ayay igu qaadan doontaa in la I aqoonsado oo dib la ii dejiyo?

Shakhsiyaadka ka diiwaangashan UNHCR waxay mari doonaan habraaca go’aaminta xaaladda qaxootinimo, inta lagu gudajiro qiimeyn qoto dheer oo ku saabsan Baahiyaha magan gelya doonka caalamiga ah ee shakhsiga ayaa la qaban doonaa ka hor inta aan go’aan laga gaarin haddii qofku uu qaxooti yahay. Kaliya shakhsiyaadka ay UNHCR go’aansatay inay qaxooti ayaa loo tixgelin karaa dib udejinka. Waqtiyada laga baaraandegayo go’aaminta xaaladda qaxootiga iyo dib u dejinta, haduu xaq uleeyahay, wey ku kala duwan yihiin kiis ilaa kiis.

Waxaan helay kaarkayga qaxootinimo. Goorma ayaa la iigu yeeri doonaa wareysiga dib udejinta?

Haysashada kaarka qaxootiga si toos ah macnaheedu maahan inaad xaq u leedahay dib udejin. Dheeraad ah, muddada joogida Malaysia sidoo kale kama dhigeyso qaxooti inuu xaq u yeesho dib udejin. Dib udajinta ‘Qaybaha Soo Gudbinta’ sida lagu sharxay Cutubka 6aad ee Buug-gacmeedka Dib-u-dejinta ee UNHCR. Waxaad ka akhrisan kartaa cutubkan adigoo gujinaya xiriirka soo socda: https://www.unhcr.org/3d464e842.html

Ugu dambeyntiina, kootada dib-u-dejinta oo kooban awgeed, kiisaska ayaa mudnaanta la siin doonaa dib-u-dejinta iyadoo loo eegayo degdegga iyo darnaanta baahida loo qabo ilaalinta iyo dib u dejinta.

Waxaan helay warqad lagu ogeysiiyo inaanan hadda u qalmin dib-u-dejin. Waa maxay tan macnaheedu oo maxaan sameeyaa?

Tan macnaheedu waa in UNHCR ma awoodin in kiiskaaga loo diro wadan dib udajin waqtigaan la joogo. Tani, si kastaba ha noqotee, macnaheedu maahan inuu sibedel ku dhacay sharcigaaga qaxootinimo. Helitaanka adeegyada caalamiga ee ilaalinta iyo caawimaada UNHCR wuu kuu sii socon doonaa.

Inta lagu guda jiro wareysiga dib udejinta, ma weydiin karaa wadanka dacwaddeyda loo gudbin doono?

Haa waad waydiin kartaa. UNHCR waxay tixgalineysaa rabitaanka qoyskaaga iyo shuruudaha wadamada dib udajinta ee kaladuwan. Macluumaadkan wuxuu ka caawin doonaa UNHCR xulashada wadanka dib udajinta ee ku haboon qoyskaaga.

Ma dalban karaa dib-u-dejin dalkeyga aan doorto?

In kasta oo ay UNHCR tixgelin doonto waddanka dib udajinta ee qaxootigu doorbidida, go’aanka ugu dambeeya ee waddanka qaxootiga loo gudbinayo wuxuu weli ku jiraa gacanta UNHCR. Markii ay go’aankaas gareyso, UNHCR waxay tixgelisaa baahiyaha gaarka ah ee qaxootiga iyo sidoo kale xiriirka qoysaskooda.

Ma diidi karaa waddan dib-u-dejin la ii doortay? Maxaa ku dhaca kiiskeyga ka dib markaan diido dalabka?

Haddii aad dooratid inaan lagu tixgelin dib udejinta dal gaar ah, waxaad halis ugu jirtaa in lagaa saaro howlaha dib udejinta ee sii socda. Haddii aad go’aansato in aad ka noqoto dacwadaada waddanka dib -u -dejinta oo waraystay oo aqbalay kiiskaaga, UNHCR ayaa kaala talin doonta saamaynta iyo cawaaqibka ka -noqoshada. UNHCR lagama yaabo inay mar labaad dacwada u gudbiso wadanka aad dooratay waxayna noqon doontaa go’aanka waddan kasta oo dib-u-dejin ah haddii tixgeliso soo gudbinta dib udejinta.

Waan dhameeyay wareysigeygii dib udejinta. Goorma ayaa la iigu yeerayaa wareysigeyga wadanka dib udajinta?

Ujeedada wareysiga dib udejinta waa si kiiskaaga logu qiimeyo dib udejinta. Wareysiga dib udejinta kadib, kiiskaaga dib ayaa loo eegi doonaa kahor inta aan go’aan laga gaarin in gudbinta dib udajinta la sameeyo. Waqtiga loo baahan yahay hawshani way ku kala duwan yihiin kiisba kiis. Haddii kiiskaaga kadib loo gudbiyo Mareykanka, Xarunta Taageerada Dib -u -dejinta (RSC) ayaa kula soo xiriiri doonta si ay kuugu wargeliso taariikhda wareysigaaga ee RSC. Wadamada kale aan ahayn Ameerika, UNHCR ayaa kula soo xiriiri doonta si ay kuugu siiso macluumaad kusaabsan taariikhda wareysigaaga saraakiisha wadanka dib udajinta.

Aniga ilama soo xiriirin wadanka dib udajinta. Goormay i soo wici doonaan?

Waqtiyada howsha ee dib udejinta ayaa wali dheer oo aan lasii saadaalin karin. Waxay kuxirantahay wadanka dib udajinta, tilmaamahiisa, waxyaabaha mudnaanta ay siinayo wuuna ka baxsan kontaroolka UNHCR.

Waxaan la iga soo wacay Waaxda Xallinta Waara (DSU) oo igu wargelinaya in dib-u-dejin kiiskeygu ‘hakad ku jiro’ . Sideen ku heli karaa macluumaad dheeri ah?

Baahida loo qabo in la ilaaliyo sirta, UNHCR marwalba uma sharixi karto is kali ah shaqsi kasta sababta kiiskooda loo hakinayo. Kiisaska way ku jiri karaan hakad sababo kala duwan awgood. Si kastaba ha noqotee, marka sababta si buuxda loo qiimeeyo, loo caddeeyo loona xalliyo, hawshaada dib-u-dejinta dib ayay u bilaaban doonta. U tagitaanka UNHCR ama wax ka weydiinta kiiskaaga had iyo jeer ma badali doonaan tan mana caawin doonaan in kiiskaagu dhaqso u dhaqaaqo.

Kiiskeygii waxaa loo gudbiyey Mareykanka si dib u dejin lay sameeyo. Waxaan ku lug lahaa khiyaanada aqoonsiga 2012. Waan qirtay oo dacwaddaydii waa la hakiyay. Goorma ayaa lay wareysan doonaa oo dib la ii dajin doonaa?

Kuwii lagu soo eedeeyay khayaanada aqoonsiga waxaa wareystay bilihii Maarso iyo Abriil 2019 saraakiisha Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) ee Mareykanka. Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan kiiskaaga, fadlan la xiriir Xarunta Taakulaynta Dib-u-dejinta (RSC) adoo wacaya + 60321415846 ama email ugu soo dir KLInquires@rescue.org.

Waan dhammeystirey baaritaankeyga caafimaad laakiin Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) waxay iga codsatey in aan aado baaritaan kale. Waayo?

Wadamada dib udajinta ayaa ubaahan baaritaan caafimaadka qaxootiga oo la cusboonaysiiyay. Waxay u badan tahay Qaxootiga in ay maraan wax kabadan hal baaritaan kahor bixitaankooda, taas oo kuxiran siyaasada wadanka dib udajinta.

Maxay howsha dib udejintu u qaadanaysaa waqti dheer?

Dib-u-dejintu waa hawl waqti badan u qaadata dhammaan dadka ay khuseyso oo waqtiga howshu way kala duwan tahay waddan ka waddan, sababo la xiriira sharciyada socdaalka, mudnaanta iyo ilaha kala duwan. Aad ayey u adag tahay in la sii saadaaliyo muddada ay qaadan doonto laga bilaabo waqtiga wareysiga dib-u-dejinta ee UNHCR la dhammeeyo iyo waqtiga bixitaanka. Arimo sida dhalashada, guurka, uurka, furiinka iyo haynta, diiwaangelinta, dhimashada waa in si sax ah loo qiimeeyaa loona xaliyaa kahor intaan dib udejintu dhicin.

Qoyskeygu wali waxay sugayaan xal waara. Ma sii wadi karaa hawshayda dib udejinta? Maxaa ku dhici doona qoyskayga? UNHCR ma ka caawin doontaa dib u mideynta qoyskeyga wadanka dib udajinta?

UNHCR waxay dhiirrigelisaa mideynta qoyska iyo soo celinta xiriirrada taageerada ah mana kala jabin doonto qoysaska. Waa muhiim inaad u sheegto UNHCR wixii ku saabsan xubnaha qoyska ee aan diiwaangashanayn. La-talin ayaa la siin doonaa qoyska ku saabsan saameynta iyo cawaaqibka.

Haddii aan guursado qof aan qaxooti ahayn, saygaaga / xaaskaaga iyo carruurteyda ma heli karaan kaarka UNHCR oo dib ma la ii dejin karaa?

Dib udajinta qoxootiga guursada qof aan qoxooti aheyn UNHCR mudnaan ma siiso. Haddii aad guursatay qof aan qaxooti ahayn, waxaad xaq u yeelan kartaa sharci degenaansho ama dhalasho oo aad ku joogtid waddanka saygaaga / xaaskaaga. Guurka lammaanaha aan qaxootiga ahayn UNHCR si taxaddar leh ayay u qiimeyn doonta , si loo ogaado khiyaarada qofkaas iyo xaaladda qoyska oo dhan, ka hor inta aan loo tixgelin dib-u-dejin. Haddii xaaskaaga / saygaagu yahay muwaadin reer Malaysia ah, waaxda Xallinta Waara ayaa u gudbin doonta dacwaddaada waaxda Ilaalinta, oo dib u eegi karta rajadaada adiga iyo carruurtaada u leediheen dhalashadaada.

Waxaan ku jiraa guurka xaasaska badan. Xaasaskayga ma la ila dib u dajin karaa aniga?

In ka badan hal xaas guursado waa sharci darro dhammaan waddamada dib-u-dejinta sidaa darteedna qaxootiga dib looma dejin karo, haddii ay doonayaan inay sii wadaan guurka xaasaska badan leh. Qoys walba si kaliah ayey UNCHR kala talin doontaa wixii ku saabsan rajadooda dib u dejinta qoyskuna wuxuu u baahan doonaa inuu ka fiirsado sida ugu wanaagsan ee loo qaban karo lammaanaha iyo carruurtooda.

Dalka dib udejin ayaa ii diiday. Maxaa xigi doona?

Kiiskaaga si otomaatig ah dib looguma celin doono wadan kale oo dib udejin ah. UNHCR, si kastaba ha noqotee, waxay dhameystiri doontaa dib-u-qiimeyn ku saleysan kiis-kiis, iyadoo tixgelinaysa baahiyaha gaarka ah ee qoyskaaga. Shuruudaha kala geddisan ee waddammada dib-u-dejinta ee kala duwan awgood, waa inaadan u qaadan, haddii laguu diido hal waddan, in mid kale ku aqbalayo.

Waxaa laygu deeqay labadaba barnaamij kafaala qaad iyo fursad dib udejin iyada oo loo marayo UNHCR. Haddii aan doorto barnaamijka kafaalaqaadka, ma siin karaa booskayga dib u dejinta xubnaha qoyskayga kale ama xubnaha bulshada?

Soo gudbinta dib u dejinta ee shaqsi ama qoys waxay ku saleysan tahay qiimeyn in loo baahan yahay dib u dejin. UNHCR ma hormarin doonto dib u dejinta qoys fursad u heli kara xal kale oo waara.

Xagee ayaan ka helayaa macluumaadka ku saabsan dib u celinta ikhtiyaariga ah ee waddankayga iyada oo loo marayo waajibaadka UNHCRta?

Buug-gacmeedka UNHCR dib u celinta ikhtiyaariga ah waxay bixisaa macluumaad faahfaahsan siyaasadda iyo hab u dhaqanka UNHCR oo ku saabsan dib u celinta ikhtiyaariga ah ee qaxootiga. Buug-gacmeedku waa dukumiinti guud oo laga heli karaa: https://www.unhcr.org/en-my/publications/legal/3bfe68d32/handbook-voluntary-repatriation-international-protection.html?query=handbook%20voluntary%20repatriation

Waxaan ka diiwaan gashanahay UNHCR waxaanan jeclaan lahaa inaan ku laabto dalkaygii hooyo. Sidee UNHCR u caawin kartaa?

Haddii aad jeceshahay inaad ku laabato dalkaagii hooyo, waxaad ku wargelin kartaa UNHCR rabitaanka aad u qabto inaad ku noqoto:

(i) La xiriiri shirkadda UNHCR waqti kasta oo laga bilaabo 8 subaxnimo – 12 galabnimo, Isniinta ilaa Jimcaha

(ii) Ku wargalinta sarkaalka UNHCR intaad la kulantay UNHCRta

iii) Wacitaanka Waaxda Xalalka Waara ee 03-21184800 -> Taabo “2”

(iv) U taginta safaaraddaada (Xusuusin: Tani waa kaliya haddii aad ku qanacsan tahay inaad sidaas sameyso)

AMA

(v) U tagida Hay’adda Caalamiga ee Socdaalka (IOM).

Is marka la helo macluumaadka ku saabsan rabitaanka inaad soo noqoto, UNHCR ayaa kula soo xiriiri doonta waqti dambe oo ku saabsan ballantaada latalinta dib-u-celinta ikhtiyaariga ah. Intii lagu guda jiray kulanka latalinta, ywaxaa lagugula talin doonaa ikhtiyaarka ah in lagugu qiimeeyo Barnaamijka Caawinta iskaa-u-noqoshada iyo Dib-u-mideynta (AVRR). Barnaamijka AVRR waxaa maamula IOM, kaas oo bixitaankaaga lagu fududeyn karo. Haddii aad wali go’aansato inaad ku laabato dalkaagii ka dib fadhigii la-talinta, UNHCR waxay ku siin doontaa Foomka dib-u-celinta ikhtiyaariga ah(VRF) si ay kuugu fududaato ka bixitaankaaga Malaysia. Hawsha oo dhan waxay qaadan kartaa in u dhexeysa 1 illaa 3 bilood. Tani waxay kuxirantahay in dukumiintiyada loo baahanyahay oo dhan la heli karo, iyo waliba qabanqaabada saadka. Waa inaad bixisaa ganaaxa oggolaanshaha bixitaanka iyo iyo qiimaha kaarka fiisad gaarka ah ee RM100 oo aad ka bixinayso qof kasta.

UNHCR maku soo saari kartaa Foomka Dib ucelinta Ikhtiyaariga ah (VRF) isla maalinta aan Xafiiska ku wargaliyo rabitaanka in aan ku laabanayo wadankeyga hooyo?

Hawlaha kor ku xusan awgood iyo waqtiga loo qabtay awgood, UNHCR ma awoodi doonto inay soo saarto Foomka Dib-u-Celinta Ikhtiyaariga ah (VRF) isla maalinta aan helno macluumaadka ku saabsan rabitaan kaaga in aad dib u noqot. Fadlan ha iibsan tigidhka duulimaadkaaga kahor intaadan xaadirin fadhigaaga latalinta ikhtiyaariga ah maadaama laga yaabo inay kaa khasaarto. Waxaa lagugula talin doonaa nidaamka Socdaalka si aad uga baxdo Malaysia, oo ay kujirto waqtiga ay tahay inaad iibsato tigidhka duulimaadkaaga, inta lagu jiro fadhiga latalinta.

Codsigeyga aqoonsiga qaxootinimo waa ladiiday waxaana jeclaan lahaa hada inaan ku laabto wadankeyga hooyo. UNHCR ma caawin kartaa?

Waad la xiriiri kartaa IOM latalin ahaan. Codsadeyaasha waxay u baahan doonaan inay iyagu bixiyaan kharashka ku baxa dalabkooda ogolaanshaha bixitaanka iyo ganaaxa iyo sidoo kale fiisada gaarka ah. UNHCR ma awoodi inay ku siiso Foomka Dib ucelinta Ikhtiyaariga ah (VRF).

Waxaan kaqeyb galay fadhiga latalinta dib u celinta ikhtiyaari ah oo la socoto waaxda Xallinta Waara. Ma la xiriiri karaa Waaxda Xallinta Waara ee intaa ka dib si aan u codsado wixii ku saabsan dib-u-noqoshadayda?

Looma baahna in lala xiriiro Waaxda Xallinta Waara adoo xafiiska imanaya, ama diraya warqado, fakis ama emayl. Shaqaalaha jooga Waaxda Xalinta Waara ayaa kula soo xiriiri doona hadii ay jirto baahi loo qabo in la xaliyo arrimO taagan si loo sii qiimeeyo iyo / ama looga caawiyo dib u noqoshadaada. Sidaas darteed aad ayey muhiim u tahay in aad ilaaliso faahfaahinta xiriirkaaga – lambarro taleefan kasta (fadlan sidoo kale sheeg haddii aad isticmaasho Whatsapp) iyo cinwaanada emaylka – oo lala cusbooneysiiyay UNHCR, si shaqaaluhu ay kula soo xiriiraan markasta oo loo baahdo.

Kuma laaban karo wadankeyga maadaama uusan amaan aheyn, laakiin UNHCR ma i diri kartaa wadan deris la ah wadankeyga?

Dib-u-calinta ikhtiyaariga ah waxaa loola jeedaa ku noqoshada waddankaaga asalka ah ikhtiyaari ahaan iyada oo lagu jiro xaalado nabadgelyo iyo sharaf ah. UNHCR ma qaban qaabiso, ma caawiso mana fududeyso safar loogu baxayo wadan deris la ah.

Noloshaydu aad bay ugu adagtahay Malaysia. Waxaan jeclaan lahaa inaan aado wadan kale. UNHCR ma ii soo saari kartaa Foomka Dib ucelinta Ikhtiyaariga ah (VRF)?

Foomka Dib Ucelinta Ikhtiyaariga ah (VRF) waxaa la bixiyaa KELIYA haddii shakhsi uu muujiyo inuu doonayo inuu ku laabto wadankiisa asalka.

UNHCR ma awoodaa inay i caawiso haddii aan khatar ugu jiro in si qasab ah laygu celiyo wadankayga asalka?

UNHCR waxay u doodi doontaa shakhsigaa si looga hortago in loo mastaafuriyo wadanka uu ka soo jeedo, gaar ahaan haddii ay jiraan sababo lagu aamini karo in nolosha shakhsiga ay qatar ku jirto haddii la celiyo.