Iyada oo ay ugu wacan tahay sii socoshada xaaladda COVID-19 iyo Amarada Xakameynta Dhaqdhaqaaqa (MCOs), Xafiiska UNHCR muuna awood u helin inuu sii wado qaar ka mid ah howlihiisii shaqo ee joogtada ahaa. Tan waxaa ka mid ah cusbooneysiinta waqtigaysan ee dukumiintiyada UNHCR ee dhacay ama badelida dukumiintiyada UNHCR ee lumay ama waxyeelo soo gaadhay.
Iyada oo taas laga duulayo, xafiiska UNHCR wuxuu soo saaray warqad warbixineed oo uu ku xaqiijinayo in dukumiintiyada UNHCR ee soo dhaafay taariikhdii ay dhacayeen ay sii shaqayn doonaan ilaa iyo inta laga cusbooneysiinayo. Waxaa la rajeynayaa in warqadani ay yareyn doonto qaar ka mid ah caqabadaha soo food saara qaxootiga iyo magangalyo-doonka hada heysta dukumiintiyada UNHCR oo dhacay.
Fadlan ogsoonow in warqadani aysan badeli karin dukumiintiga UNHCR, oo waa inaan sidaa oo kale loo isticmaalin.
Nooca la daabici karo ee warqada waxaa laga heli karaa marka lagujiyo badhanka hoose. Sidoo kale waxaa waraqda loogu arki karaa qaab PDF ah taleefannada casriga ah.