Amarka Xakameynta Dhaqdhaqaaqa Xadidan (CMCO) ee Kuala Lumpur, Selangor iyo Putrajaya.

Tuesday / 13 October 2020

Fadlan ogow in Dowladda Malaysia ay shaacisay in Kuala Lumpur, Selangor iyo Putrajaya la galin doono Amarka Xakamaynta Dhaqdhaqaaqa shardhiyeesan (CMCO). Arintan waxaa loo sameeyay kadib kor u kac kuyimid kaysaska caabuqa COVID-19 ee xaafada xogaa ah oo katirsan Klang Valley.

CMCO-gu waxay ka bilaaban doontaa habeen kalabadhka, 14 Oktoobar ilaa 27 Oktoobar 2020.

Inta xayiraadan lagu jiro, u safarka dagmooyinka dhexdoona lama ogolo Hadii safar loo baahdo shaqo darteed, waxaa lagaaga bahaan yahay inaad haysato warqad ogolaansho shaqo ama warqada katimid loo shaqeeyaha.

Dhamaan iskuulada iyo goobaha cibaadada waa in la xiraa. Nashaadaadka madadaalada ah sida isboortiga iyo howlaha bulshada oo ay kujiraan aroosyadu lama ogolaan doono.

Fadlan ha tagin xafiiska UNHCR ilaa ogeysiis dambe. Shakhsiyaadka balamaha wata waa lala soo xiriiri doonaa waxaana la siin doonaa taariikhda ballanta cusub.

Fadlan sii wad booqashada boggan https://refugeemalaysia.org si aad uhesho wixii soo kordha.



Share