Haweeney iska dhigaysa inay tahay Shaqaale UNHCR

Wednesday / 12 June 2024

UNHCR waxay sii wadaysaa inay hesho warbixinadii ugu dambeeyay ee haweenay sheegtay inay u shaqeyso Waaxda Diiwaangelinta iyo Dib-u-dejinta ee UNHCR. Haweenaydan ayaa qaxoontiga kala xidhiidha WhatsApp iyada oo diraysa fariimo cod ah iyo fariimo qoraal ah, waxaanay codsatay inta u dhaxaysa RM2,000-3,000 in lagu shubo akoon bangi oo ay ku bedelato dukumentiyada UNHCR, ballamaha, iyo waraysiyada diiwaangelinta iyo dib u dejinta.

Nambarada la yaqaan ee uu isticmaalo tuuggu waa 011-33321567 ama 011-16560601. Haweeneydan ayaa ku wargelisay shaqsiyaadka hadii ay warbixin ka kudbiyaan ayada in la baabi’in doono dukumeentiyadooda UNHCR, lana xirayo kiisaskooda. Waxay kaloo ku andacoonaysaa inaysan waxba ku dhici doonin sababtoo ah waxay u shaqeysaa UNHCR.

Waxaa lagugula talinayaa inaadan ka jawaabin oo aadan iska indhatirin dhammaan farriimaha taleefannadan, oo ku soo wargeli UNHCR foomka online-ka ah, adigoo ku lifaaqaya sawirada fariimaha laguu soo diray.

Tani waa khiyaamo. Shakhsigani uma shaqeeyo UNHCR. Dhammaan adeegyada UNHCR waa bilaash. Ma siin kartid lacag shaqaalaha UNHCR ama qof kasta si uu kiiskaaga uga baaraandego Diiwaangelinta, Go’aaminta Xaaladda Qaxoontiga (RSD), Dib-u-dejin, ama ujeedo kale.

Ka digtoonow dadka sheeganaya inay xiriir gaar ah la leeyihiin UNHCR kuwaas oo kaa caawin kara inaad hesho waraysiyo ama dib u dejin hadii aad lacag bixiso. Ha la wadaagin macluumaadkaaga shakhsiyadeed iyaga.

UNHCR waligeed kuma waydiin doonto inaad lacag u xawisho lambarka akoonka bangiga. Shaqaale kasta oo UNHCR ka tirsan oo ku lug leh qaadashada lacagta qaxootiga ayaa isla markiiba shaqada laga joojin doonaa oo lagu wargelinayaa booliiska.

Kaarkaga UNHCR lama tirtiri doono kiiskaagana dib looma dhigi doono ama lama xidhi doono haddii aad u sheegto UNHCR hawlo shaki leh.

Haddii ay kula soo xiriiraan shakhsiyaad sheeganaya inay awoodaan inay bixiyaan adeegyada UNHCR (waraysiyada Diiwaangelinta, RSD, Dib-u-dejinta iwm.) si aad lacag u bixiso , dammi taleefanka isla markaaba tan ku wargeli:

  • Xarunta ka jawaabista fadeexada booliiska ee CCID 03-26101559 ama 03-26101599
  • adigoo adeegsanaya foormkaan UNHCR

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hababka iyo kaalmada UNHCR, fadlan eeg wabsaydka qaxootiga Malaysia.



Share