Ninka lagu magacaabo Devdass ama Davadass Anjan

Friday / 22 December 2023

UNHCR ayaa heshay warbixin ku saabsan nin Malaysian ah oo magaciisa lagu sheegay Devdass ama Davadass Anjan, kaasoo la xiriiray xubno ka tirsan qaxootiga oo uu sheegay inuu awoodo inuu dib u dejimo uga sameeyo Mareykanka muddo bil gudaheed ah. Waxaa lagu eedeeyay in uu waydiistay shakhsiyaadka inay bixiyaan RM320 (Sadex boqol iyo labaatan Ringid) foom codsi ah, ka dibna RM2,000 (laba kun oo ringid) oo kale si ay u soo gudbiyaan foomka. Hoos waxaa ku yaal warqad been abuur ah oo la sheegay inay ka timid Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Mareykanka (USCIS) iyo foom been abuur ah oo (USCIS) ah oo leh astaanta Qaramada Midoobay oo dusha sare laga saaray oo la sheegay inuu u dirayay bulshada qaxootiga.

Warqadda iyo foomka lagu eedeeyay inay direen Devdass ama Davadass Anjan ma aysan soo saarin Dowladda Mareykanka ama Qaramada Midoobay. Shakhsigu maaha shaqaalaha UNHCR ama USCIS. Kumana xidhna UNHCR, USCIS, ama hay’ad kasta oo Maraykan ah. Ma laha awood ama karti uu ku socodsiiyo kiisaska dib-u-dejinta ama inuu cidna ka codsado macluumaadka shakhsiyeed.

Fadlan sidoo kale ogow in UNHCR iyo USCIS aysan waligood lacag ku weydiin doonin. Dhammaan adeegyada dib-u-dejinta ee Maraykanka iyo dhammaan adeegyada ay bixiso UNHCR waa lacag la’aan. Ka digtoonow shakhsiyaadka sheeganaya inay awoodaan inay kaa caawiyaan helitaanka hababka UNHCR ama USCIS ama si dhakhso leh ula socdaan kiiskaaga si aad lacag ugu beddelato. Shakhsiyaadkani ma saameyn karaan kiiskaaga. Sidaa darteed, ha la wadaagin macluumaadkaaga shakhsiyeed iyaga.

Haddii aad la kulanto shakhsiyaad sheeganaya inay awood u leeyihiin inay bixiyaan adeegyada UNHCR (UNHCR dukumeenti, diiwaan gelinta, go’aaminta xaaladda qaxootiga (RSD), dib-u-dejin, iwm.) si ay lacag ugu beddelaan, ku wargeli tan:

Kaarkaga UNHCR lama tirtiri doono kiiskaagana dib looma dhigi doono ama lama xidhi doono haddii aad u sheegto UNHCR hawlo shaki leh.

Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan hababka iyo kaalmada UNHCR, fadlan eeg wabsaytka qaxootiga Malaysia.



Share