Waxaanu helnay warbixin faafinaysa macluumaad been ah. Waxay sheegaysaa in laga bilaabo 1-da Diseembar 2025, UNHCR ay bilaabi doonto diiwaangelin rasmi ah oo loogu talagalay dadka Suuriyaanka iyo Yamaniyiinta ah ee ku sugan Malaysia. Waxay sidoo kale ku dhiirrigelinaysaa dadka inay si toos ah ugu yimaadaan xarunta UNHCR si ay u ballansadaan ama u helaan kaarka UNHCR.
Macluumaadkan ma aha mid run ah. Ma jiro taariikh gaar ah oo loo qabtay diiwaangelinta muwaadiniin qoomiyad gaar ah leh.
UNHCR waxay sii waddaa sidii caadiga ahayd ka shaqaynta codsiyada ka imanaya Suuriyaanka, Yamaniyiinta, iyo muwaadiniinta kale, sida lagu sharraxay bogga Refugee Malaysia ee
(Registering with UNHCR | Refugee Malaysia).
) . Haddii aad rabto inaad codsi diiwaangelin sameyso, fadlan booqo bogga xiriirka. Waxaa lagaala soo xiriiri doonaa telefoon, fariin qoraal ah, ama iimayl si aad uga qayb gasho wareysi ka dhici doona xafiiska UNHCR.