Dib-u-dejinta (Su’aalaha Inta Badan La weydiiyo )

Ku Soo Dhawoow Dib-u-dejinta Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo. Halkan, waxaad ka heli kartaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan habka dib-u-dejinta, oo ay ku jiraan xaaladaha dib-u-dejinta ee gaarka ah.

Helitaanka Xog guud iyo kiis gaar ah oo ku saabsan dib u dejinta

Xagee ka helaa macluumaad kusaabsan dib udajinta wadanka sedexaad ii ku jirtaa waajibaadka UNHCR?

K
C

Buug-gacmeedka Dib-u-dejinta ee UNHCR wuxuu bixiyaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan siyaasad iyo Hab dhaqanka dib u dejinta ee UNHCR. Dawladaha Dib-u-dejintu waxay ku sharraxeen siyaasaddooda iyo barnaamijyadooda cutubyada u gaarah dawlad kasta. Buug-gacmeedka Dib-u-dejintawaa dukumeenti loogu talagalay dadweynaha.

Sideen ula xiriiraa waaxda Xalalka waara si aan ugala hadlo arrinkayga?

K
C

Looma baahna inaad si shaqsi ahin u tagto xafiiska ama u diro waraaqo, fakis ama emayl. Si kastaba ha ahaatee, aad bay muhiim u tahay in la cusboonaysiiyo nambarada teleefankaaga iyo ciwaanka iimaylka ee UNHCR adigoo buuxinaya Foomka Xiriirka, si uu xafiisku ballan kuugu sameeyo mar kasta oo loo baahdo.

U-qalmitaanka Dib-u-dejinta/Hababka Dib -u -dejinta

Wareysiga diiwaangelinta ka dib, intee in le'eg ayay igu qaadan doontaa in la I aqoonsado oo dib la ii dejiyo?

K
C

Shakhsiyaadka ka diiwaangashan UNHCR waxay mari doonaan habraaca go'aaminta xaaladda qaxootinimo, inta lagu gudajiro qiimeyn qoto dheer oo ku saabsan Baahiyaha magan gelya doonka caalamiga ah ee shakhsiga ayaa la qaban doonaa ka hor inta aan go'aan laga gaarin haddii qofku uu qaxooti yahay. Kaliya shakhsiyaadka ay UNHCR go'aansatay inay qaxooti ayaa loo tixgelin karaa dib udejinka. Waqtiyada laga baaraandegayo go'aaminta xaaladda qaxootiga iyo dib u dejinta, haduu xaq uleeyahay, wey ku kala duwan yihiin kiis ilaa kiis. Diiwaangelinta ama bixinta aqoonsiga qaxootiga ee UNHCR macnaheedu maaha in shakhsiqa loo gudbin doono dib u dajin.

Waxaan helay kaarkayga qaxootinimo. Goorma ayaa la iigu yeeri doonaa wareysiga dib udejinta?

K
C

Qaadashada kaarka qaxootiga si toos ah macnaheedu maaha inaad u qalanto dib u dajin. Intaa waxaa dheer, dheeranta muddada joogitaanka Malaysia kama dhigayso qof u qalma dib-u-dejin. Dib-u-dejinta ‘Qaybaha Gudbinta’ waxa lagu sharraxay cutubka 3 ee Buug-gacmeedka Dib-u-dejinta UNHCR. Ugu dambeyntiina, kootada dib-u-dejinta oo kooban awgeed, kiisaska ayaa mudnaanta la siin doonaa dib-u-dejinta iyadoo loo eegayo degdegga iyo darnaanta baahida loo qabo ilaalinta iyo dib u dejinta.

Waan dhameeyay wareysigeygii dib udejinta. Goorma ayaa la iigu yeerayaa wareysigeyga wadanka dib udajinta?

K
C

Ujeedada wareysiga dib udejinta waa si kiiskaaga logu qiimeyo dib udejinta. Ka dib waraysiga dib-u-dejinta, kiiskaaga dib ayaa loo eegi doonaa ka hor inta aan go'aan laga gaarin in soo gudbinta dib u dejinta la sameeyo iyo in kale. Waqtiga loo baahan yahay hawshani way ku kala duwan yihiin kiisba kiis. Haddii kiiskaaga kadib loo gudbiyo Mareykanka, Xarunta Taageerada Dib -u -dejinta (RSC) ayaa kula soo xiriiri doonta si ay kuugu wargeliso taariikhda wareysigaaga ee RSC. Wadamada aan ahayn Maraykanka, UNHCR ama Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa kula soo xidhiidhi doona iyagoo ku hadlaya magaca dalka dib u dejinta si ay kuu siiyaan macluumaadka ku saabsan taariikhda waraysiga aad la yeelanayso saraakiisha dalka dib u dejinta.

Waan dhameeyay wareysigeygii dib udejinta. Goorma ayaa la iigu yeerayaa wareysigeyga wadanka dib udajinta?

K
C

Ujeedada wareysiga dib udejinta waa si kiiskaaga logu qiimeyo dib udejinta. Ka dib waraysiga dib-u-dejinta, kiiskaaga dib ayaa loo eegi doonaa ka hor inta aan go'aan laga gaarin in soo gudbinta dib u dejinta la sameeyo iyo in kale. Waqtiga loo baahan yahay hawshani way ku kala duwan yihiin kiisba kiis. Haddii kiiskaaga kadib loo gudbiyo Mareykanka, Xarunta Taageerada Dib -u -dejinta (RSC) ayaa kula soo xiriiri doonta si ay kuugu wargeliso taariikhda wareysigaaga ee RSC. Wadamada aan ahayn Maraykanka, UNHCR ama Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa kula soo xidhiidhi doona iyagoo ku hadlaya magaca dalka dib u dejinta si ay kuu siiyaan macluumaadka ku saabsan taariikhda waraysiga aad la yeelanayso saraakiisha dalka dib u dejinta.

Waxaan la iga soo wacay Waaxda Xallinta Waara (DSU) oo igu wargelinaya in dib-u-dejin kiiskeygu 'hakad ku jiro' . Sideen ku heli karaa macluumaad dheeri ah?

K
C

Baahida loo qabo in la ilaaliyo sirta, UNHCR marwalba uma sharixi karto is kali ah shaqsi kasta sababta kiiskooda loo hakinayo. Kiisaska way ku jiri karaan hakad sababo kala duwan awgood. Si kastaba ha ahaatee, marka sababta si buuxda loo qiimeeyo, la caddeeyo oo la xalliyo, waxa laga yaabaa in habkaaga dib u dejinta uu dib u bilaabo. U tagitaanka UNHCR ama wax ka weydiinta kiiskaaga had iyo jeer ma badali doonaan tan mana caawin doonaan in kiiskaagu dhaqso u dhaqaaqo.

Maxay howsha dib udejintu u qaadanaysaa waqti dheer?

K
C

Dib-u-dejintu waa hawl wakhti badan ka qaadata dhammaan dadka ay khusayso. Waqtiyada hab-socodyadu way kala duwan yihiin waddan ilaa waddan, iyadoo ay ugu wacan tahay sharciyada socdaalka ee kala duwan, mudnaanta iyo agabka, waana sidaas aad u adag in la saadaaliyo. Arimo sida dhalashada, guurka, uurka, furiinka iyo haynta, diiwaangelinta, dhimashada waa in si sax ah loo qiimeeyaa loona xaliyaa kahor intaan dib udejintu dhicin.

Ku saabsan Dalka Dib-u-dejinta

Inta lagu guda jiro wareysiga dib udejinta, ma weydiin karaa wadanka dacwaddeyda loo gudbin doono?

K
C

Haa, waad awoodaa. UNHCR waxay tixgalineysaa rabitaanka qoyskaaga iyo shuruudaha wadamada dib udajinta ee kaladuwan. Macluumaadkan wuxuu ka caawin doonaa UNHCR xulashada wadanka dib udajinta ee ku haboon qoyskaaga.

Ma dalban karaa dib-u-dejin dalkeyga aan doorto?

K
C

In kasta oo UNHCR ay ay tixgelin doonto waddanka dib-u-dejinta oo uu qaxootiga doorbidido, go'aanka ugu dambeeya marka la eego waddankee qaxooti loo gudbiyay wax lahadhaysa UNHCR. Markii ay go’aankaas gareyso, UNHCR waxay tixgelisaa baahiyaha gaarka ah ee qaxootiga iyo sidoo kale xiriirka qoysaskooda.

Ma diidi karaa waddan dib-u-dejin la ii doortay? Maxaa ku dhaca kiiskeyga ka dib markaan diido dalabka?

K
C

Haddii aad dooratid inaan lagu tixgelin dib udejinta dal gaar ah, waxaad halis ugu jirtaa in lagaa saaro howlaha dib udejinta ee sii socda. Haddii aad go'aansato inaad kala noqoto kiiskaaga waddanka dib-u-dejinta ee waraysiga kaa qaaday oo aqbalay kiiskaaga, UNHCR waxay kugula talin doontaa saamaynta iyo cawaaqibka ka bixitaanka - UNHCR waxaa laga yaabaa inaysan awoodin inay u gudbiso kiiskaaga mar kale, waddanka aad dooratay.

Xaalado Dib-u-dejin oo gaar ah

Kiiskeygii waxaa loo gudbiyey Mareykanka si dib u dejin lay sameeyo. Waxaan ku lug lahaa khiyaanada aqoonsiga 2012. Waan qirtay oo dacwaddaydii waa la hakiyay. Goorma ayaa lay wareysan doonaa oo dib la ii dajin doonaa?

K
C

Kuwii lagu soo eedeeyay khayaanada aqoonsiga waxaa wareystay bilihii Maarso iyo Abriil 2019 saraakiisha Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) ee Mareykanka. Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan kiiskaaga, fadlan la xiriir Xarunta Taageerada Dib-u-dejinta (RSC) adiga oo wacaya +603 9212 8117 ama u soo dir email ahaan su'aalaha RSC. Malaysia@rescue.org

Waan dhammeystirey baaritaankeyga caafimaad laakiin Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) waxay iga codsatey in aan aado baaritaan kale. Waayo?

K
C

Wadamada dib udajinta ayaa ubaahan baaritaan caafimaadka qaxootiga oo la cusboonaysiiyay. Waxay u badan tahay Qaxootiga in ay maraan wax kabadan hal baaritaan kahor bixitaankooda, taas oo kuxiran siyaasada wadanka dib udajinta.

Qoyskeygu wali waxay sugayaan xal waara. Ma sii wadi karaa hawshayda dib udejinta? Maxaa ku dhici doona qoyskayga? UNHCR ma ka caawin doontaa dib u mideynta qoyskeyga wadanka dib udajinta?

K
C

UNHCR waxay dhiirrigelisaa mideynta qoyska iyo soo celinta xiriirrada taageerada ah mana kala jabin doonto qoysaska. Waa muhiim inaad u sheegto UNHCR wixii ku saabsan xubnaha qoyska ee aan diiwaangashanayn. La-talin ayaa la siin doonaa qoyska ku saabsan saameynta iyo cawaaqibka.

Haddii aan guursado qof aan qaxooti ahayn, saygaaga / xaaskaaga iyo carruurteyda ma heli karaan kaarka UNHCR oo dib ma la ii dejin karaa?

K
C

Haddii aad guursatay qof aan qaxooti ahayn, waxaad xaq u yeelan kartaa sharci degenaansho ama dhalasho oo aad ku joogtid waddanka saygaaga / xaaskaaga. Guurka lammaanaha aan qaxootiga ahayn UNHCR si taxaddar leh ayay u qiimeyn doonta , si loo ogaado khiyaarada qofkaas iyo xaaladda qoyska oo dhan, ka hor inta aan loo tixgelin dib-u-dejin.

Waxaan ku jiraa guurka xaasaska badan. Xaasaskayga ma la ila dib u dajin karaa aniga?

K
C

In ka badan hal xaas guursado waa sharci darro dhammaan waddamada dib-u-dejinta sidaa darteedna qaxootiga dib looma dejin karo, haddii ay doonayaan inay sii wadaan guurka xaasaska badan leh. Qoys walba si kaliah ayey UNCHR kala talin doontaa wixii ku saabsan rajadooda dib u dejinta qoyskuna wuxuu u baahan doonaa inuu ka fiirsado sida ugu wanaagsan ee loo qaban karo lammaanaha iyo carruurtooda.

Xaaskeyga waa ay ka hooseysaa da'da 18. Miyaa nala dajin karaa si wadajir ah?

K
C

Guurka caruurtu waa sharci darro marka loo eego sharciga caalamiga ah waxaana loo arkaa nooc ka mid ah xadgudubyada jinsiga ku salaysan.Sidan oo kale, haddii aad guursatay qof ka yar da'da 18, labadiinaba adiga iyo xaaskaaga oo weli canug ah, waxaa laga yaabaa inaadan xaq u yeelanin dib-u-dejin.Guurka ilmaha si sharci ah looguma aqoonsana sharciga qaranka ee wadamada dib u dejinta. Wadamada dib-u-dejinta qaarkood, xukunka kufsiga sharciga ah ee ka baxsan dhulka waxa laga yaabaa inay khusayso xaaska oo ah ilmo la qabo.

Ilmahayga oo ka yar da'da 18 waa guursaday. Taasi miyay saamaynaysaa rajada dib-u-dejinta qoyskayga?

K
C

Haddii adiga ama xubin qoyskaaga ah aad ku lug lahaydeen guurka qof ka yar 18 jir, waxay keeni kartaa in qoyskaagu u nan qalmin dib-u-dejin marka ay UNHCR dib u eegto.Taa waxaa sababay in guurka caruurtu uu sharci darro yahay marka loo eego sharciga caalamiga ah waxaana loo tixgeliyaa nooc ka mid ah xadgudubka jinsiga ku salaysan. Intaa waxaa dheer, waalidiinta ama daryeelayaasha qabanqaabiyay guurka waxaa laga yaabaa in lagu xukumo dalka dib u dejinta.

Dalka dib udejin ayaa ii diiday. Maxaa xigi doona?

K
C

Kiiskaaga si otomaatig ah dib looguma celin doono wadan kale oo dib udejin ah. UNHCR, si kastaba ha noqotee, waxay dhameystiri doontaa dib-u-qiimeyn ku saleysan kiis-kiis, iyadoo tixgelinaysa baahiyaha gaarka ah ee qoyskaaga. Sababo la xiriira shuruudaha kala duwan ee dalalka kala duwan ee dib u dejinta, haddii uu dal ku diido,waa inaadan u qaadan inaan dalalka kale ku aqbali karin.

Waxaa la ii soo bandhigay kafaalo-qaad iyo fursad dib-u-dejin labadaba. Haddii aan doorto in aan u guuro waddan kale iyada oo loo marayo barnaamijka kafaala-qaadka, ma siin karaa booskayga dib-u-dejin xubnaha qoyskayga kale ama xubnaha bulshada?

K
C

Maya. Soo gudbinta dib-u-dejinta ee qof ama qoys waxay ku salaysan tahay qiimayn in qofka ama qoysku u baahan yahay dib-u-dejin.Sidaa darteed, fursadda lagu soo gudbin karo tixgelinta dib-u-dejinta looma wareejin karo qaraabo ama saaxiib.