Dib-u-dejinta (Su’aalaha Inta Badan La weydiiyo )

Ku Soo Dhawoow Dib-u-dejinta Su’aalaha Inta Badan La Isweydiiyo. Halkan, waxaad ka heli kartaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan habka dib-u-dejinta, oo ay ku jiraan xaaladaha dib-u-dejinta ee gaarka ah.

Helitaanka Xog guud iyo kiis gaar ah oo ku saabsan dib u dejinta

Where do I find information about third country resettlement within UNHCR’s mandate?

Buug-gacmeedka Dib-u-dejinta ee UNHCR wuxuu bixiyaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan siyaasad iyo Hab dhaqanka dib u dejinta ee UNHCR. Dawladaha Dib-u-dejintu waxay ku sharraxeen siyaasaddooda iyo barnaamijyadooda cutubyada u gaarah dawlad kasta. Buug-gacmeedka Dib-u-dejintawaa dukumeenti loogu talagalay dadweynaha.

How do I contact the Durable Solutions Unit to discuss about my case?

Looma baahna inaad si shaqsi ahin u tagto xafiiska ama u diro waraaqo, fakis ama emayl. Si kastaba ha ahaatee, aad bay muhiim u tahay in aad xafiddo macluumaadkaaga xiriirka -lambarada telefoonka (sidoo kale fadlan sheeg haddii aad isticmaasho Whatsapp) iyo ciwaannada emailka – la socodsii UNHCR had iyo jeer, si uu xafiisku kuu ballansado ballan mar kasta oo loo baahdo.

U-qalmitaanka Dib-u-dejinta/Hababka Dib -u -dejinta

After my registration interview, how long will it take for me to be recognized and resettled?

Shakhsiyaadka ka diiwaangashan UNHCR waxay mari doonaan habraaca go’aaminta xaaladda qaxootinimo, inta lagu gudajiro qiimeyn qoto dheer oo ku saabsan Baahiyaha magan gelya doonka caalamiga ah ee shakhsiga ayaa la qaban doonaa ka hor inta aan go’aan laga gaarin haddii qofku uu qaxooti yahay. Kaliya shakhsiyaadka ay UNHCR go’aansatay inay qaxooti ayaa loo tixgelin karaa dib udejinka. Waqtiyada laga baaraandegayo go’aaminta xaaladda qaxootiga iyo dib u dejinta, haduu xaq uleeyahay, wey ku kala duwan yihiin kiis ilaa kiis. Diiwaangelinta ama bixinta aqoonsiga qaxootiga ee UNHCR macnaheedu maaha in shakhsiqa loo gudbin doono dib u dajin.

I have received my refugee card. When will I be called for resettlement interview?

Qaadashada kaarka qaxootiga si toos ah macnaheedu maaha inaad u qalanto dib u dajin. Intaa waxaa dheer, dheeranta muddada joogitaanka Malaysia kama dhigayso qof u qalma dib-u-dejin. Dib-u-dejinta ‘Qaybaha Gudbinta’ waxa lagu sharraxay cutubka 3 ee Buug-gacmeedka Dib-u-dejinta UNHCR. Ugu dambeyntiina, kootada dib-u-dejinta oo kooban awgeed, kiisaska ayaa mudnaanta la siin doonaa dib-u-dejinta iyadoo loo eegayo degdegga iyo darnaanta baahida loo qabo ilaalinta iyo dib u dejinta.

I have completed my resettlement interview. When will I be called for my interview with the resettlement country?

Ujeedada wareysiga dib udejinta waa si kiiskaaga logu qiimeyo dib udejinta. Ka dib waraysiga dib-u-dejinta, kiiskaaga dib ayaa loo eegi doonaa ka hor inta aan go’aan laga gaarin in soo gudbinta dib u dejinta la sameeyo iyo in kale. Waqtiga loo baahan yahay hawshani way ku kala duwan yihiin kiisba kiis. Haddii kiiskaaga kadib loo gudbiyo Mareykanka, Xarunta Taageerada Dib -u -dejinta (RSC) ayaa kula soo xiriiri doonta si ay kuugu wargeliso taariikhda wareysigaaga ee RSC. Wadamada aan ahayn Maraykanka, UNHCR ama Ururka Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) ayaa kula soo xidhiidhi doona iyagoo ku hadlaya magaca dalka dib u dejinta si ay kuu siiyaan macluumaadka ku saabsan taariikhda waraysiga aad la yeelanayso saraakiisha dalka dib u dejinta.

I have been informed that I am currently not eligible for resettlement. What does this mean and what should I do?

Tan macnaheedu waa in UNHCR ma awoodin in kiiskaaga loo diro wadan dib udajin waqtigaan la joogo. Tani, si kastaba ha noqotee, macnaheedu maahan inuu sibedel ku dhacay sharcigaaga qaxootinimo. Helitaanka adeegyada caalamiga ee ilaalinta iyo caawimaada UNHCR wuu kuu sii socon doonaa.

I received a call from the Durable Solutions Unit (DSU) informing me that my case is ‘on hold’ for resettlement. How can I get more information?

Baahida loo qabo in la ilaaliyo sirta, UNHCR marwalba uma sharixi karto is kali ah shaqsi kasta sababta kiiskooda loo hakinayo. Kiisaska way ku jiri karaan hakad sababo kala duwan awgood. Si kastaba ha ahaatee, marka sababta si buuxda loo qiimeeyo, la caddeeyo oo la xalliyo, waxa laga yaabaa in habkaaga dib u dejinta uu dib u bilaabo. U tagitaanka UNHCR ama wax ka weydiinta kiiskaaga had iyo jeer ma badali doonaan tan mana caawin doonaan in kiiskaagu dhaqso u dhaqaaqo.

Why is my resettlement process taking so long?

Dib-u-dejintu waa hawl wakhti badan ka qaadata dhammaan dadka ay khusayso. Waqtiyada hab-socodyadu way kala duwan yihiin waddan ilaa waddan, iyadoo ay ugu wacan tahay sharciyada socdaalka ee kala duwan, mudnaanta iyo agabka, waana sidaas aad u adag in la saadaaliyo. Arimo sida dhalashada, guurka, uurka, furiinka iyo haynta, diiwaangelinta, dhimashada waa in si sax ah loo qiimeeyaa loona xaliyaa kahor intaan dib udejintu dhicin.

Ku saabsan Dalka Dib-u-dejinta

During the resettlement interview, can I ask to which country my case will be submitted?

Haa, waad awoodaa. UNHCR waxay tixgalineysaa rabitaanka qoyskaaga iyo shuruudaha wadamada dib udajinta ee kaladuwan. Macluumaadkan wuxuu ka caawin doonaa UNHCR xulashada wadanka dib udajinta ee ku haboon qoyskaaga.

Can I request for resettlement to my country of choice?

In kasta oo UNHCR ay ay tixgelin doonto waddanka dib-u-dejinta oo uu qaxootiga doorbidido, go’aanka ugu dambeeya marka la eego waddankee qaxooti loo gudbiyay wax lahadhaysa UNHCR. Markii ay go’aankaas gareyso, UNHCR waxay tixgelisaa baahiyaha gaarka ah ee qaxootiga iyo sidoo kale xiriirka qoysaskooda.

Can I reject a resettlement country chosen for me? What happens to my case after I reject the offer?

Haddii aad dooratid inaan lagu tixgelin dib udejinta dal gaar ah, waxaad halis ugu jirtaa in lagaa saaro howlaha dib udejinta ee sii socda. Haddii aad go’aansato inaad kala noqoto kiiskaaga waddanka dib-u-dejinta ee waraysiga kaa qaaday oo aqbalay kiiskaaga, UNHCR waxay kugula talin doontaa saamaynta iyo cawaaqibka ka bixitaanka – UNHCR waxaa laga yaabaa inaysan awoodin inay u gudbiso kiiskaaga mar kale, waddanka aad dooratay.

Xaalado Dib-u-dejin oo gaar ah

My case was submitted to the United States of America for resettlement. I was involved in identity fraud in 2012. I confessed and my case was put on hold. When will I be interviewed and resettled?

Kuwii lagu soo eedeeyay khayaanada aqoonsiga waxaa wareystay bilihii Maarso iyo Abriil 2019 saraakiisha Waaxda Amniga Gudaha Mareykanka (DHS) ee Mareykanka. Macluumaad intaas ka badan oo ku saabsan kiiskaaga, fadlan la xiriir Xarunta Taageerada Dib-u-dejinta (RSC) adiga oo wacaya +603 2141 5846 ama ku soo dir email ahaan KLInquires@rescue.org.

I have completed my medical screening but have been asked by the International Organization for Migration (IOM) to go for another screening. Why?

Wadamada dib udajinta ayaa ubaahan baaritaan caafimaadka qaxootiga oo la cusboonaysiiyay. Waxay u badan tahay Qaxootiga in ay maraan wax kabadan hal baaritaan kahor bixitaankooda, taas oo kuxiran siyaasada wadanka dib udajinta.

My family is still waiting for a durable solution. Can I proceed with my resettlement process? What will happen to my family? Will UNHCR help to reunite my family in the resettlement country?

UNHCR waxay dhiirrigelisaa mideynta qoyska iyo soo celinta xiriirrada taageerada ah mana kala jabin doonto qoysaska. Waa muhiim inaad u sheegto UNHCR wixii ku saabsan xubnaha qoyska ee aan diiwaangashanayn. La-talin ayaa la siin doonaa qoyska ku saabsan saameynta iyo cawaaqibka.

If I am married to a non-refugee, can my spouse and children get a UNHCR card and be resettled with me?

Dib udajinta qoxootiga guursada qof aan qoxooti aheyn UNHCR mudnaan ma siiso. Haddii aad guursatay qof aan qaxooti ahayn, waxaad xaq u yeelan kartaa sharci degenaansho ama dhalasho oo aad ku joogtid waddanka saygaaga / xaaskaaga. Guurka lammaanaha aan qaxootiga ahayn UNHCR si taxaddar leh ayay u qiimeyn doonta , si loo ogaado khiyaarada qofkaas iyo xaaladda qoyska oo dhan, ka hor inta aan loo tixgelin dib-u-dejin.

I am in a polygamous marriage. Can my wives be resettled with me?

In ka badan hal xaas guursado waa sharci darro dhammaan waddamada dib-u-dejinta sidaa darteedna qaxootiga dib looma dejin karo, haddii ay doonayaan inay sii wadaan guurka xaasaska badan leh. Qoys walba si kaliah ayey UNCHR kala talin doontaa wixii ku saabsan rajadooda dib u dejinta qoyskuna wuxuu u baahan doonaa inuu ka fiirsado sida ugu wanaagsan ee loo qaban karo lammaanaha iyo carruurtooda.

I have been rejected by a resettlement country. What will happen next?

Kiiskaaga si otomaatig ah dib looguma celin doono wadan kale oo dib udejin ah. UNHCR, si kastaba ha noqotee, waxay dhameystiri doontaa dib-u-qiimeyn ku saleysan kiis-kiis, iyadoo tixgelinaysa baahiyaha gaarka ah ee qoyskaaga. Sababo la xiriira shuruudaha kala duwan ee dalalka kala duwan ee dib u dejinta, haddii uu dal ku diido,waa inaadan u qaadan inaan dalalka kale ku aqbali karin.

I have been offered both a sponsorship programme and a resettlement opportunity through UNHCR. If I choose the sponsorship programme, can I give my resettlement space to my other family members or community members?

Soo gudbinta dib u dejinta ee shaqsi ama qoys waxay ku saleysan tahay qiimeyn in loo baahan yahay dib u dejin. UNHCR ma hormarin doonto dib u dejinta qoys fursad u heli kara xal kale oo waara.