UNHCR waxay heshay warbixino ku saabsan qorshayaal lacag urursi oo been abuur ah oo ay sameeyeen shaqsiyaad iska dhigaya inay xiriir la leeyihiin UNHCR. Waxaan jeclaan lahayn inaan uga digno taageerayashanada iyo guud ahaan dadweynaha inay ka feejignaadaan howlaha noocan oo kale ah.
Sideed ku ogaan kartaa in lacag uruurinta UNHCR ay sharci tahay?
- Waxaa laga yaabaa inaad ku la kulanto lacag ururiyayaashanada suuqa weyn ama jidadka. Lacag ururiyeyaasha matalaya UNHCR waxay xirtaan jaakad muuqaal ah oo wata astaanta UNHCR waxayna sitaan calaamado aqoonsi ah iyo dukumiintiyo taageeraya oo rasmi ah oo ku saabsan xogta shaqsiga ah. Waxay sidoo kale wataan macluumaadka UNCHR iyo agabyada lacag uruurinta, oo ay kujiraan waraaqo yaryar. Haddii shaki kaaga jiro, waxaad wici kartaa UNHCR si aad u xaqiijiso sax ahaan shahooda.
- Lacag ururiyayaashaduu waligood kuma weydiin doonaan inaad siiso lacag caddaan ah, si shaqsi ah ama emayl / fariin qoraal ah. Dhamaan deeqaha waxaa lagu bixiyaa oo keliya kaararka bangiga (credit card iyo debit card), iyadoo la adeegsanayo tiknoolajiyada aaminka ah ee kaararka deynta.
- Haddii aad hesho fariimo shaki leh oo sheeganaya inay ka socoto UNHCR oo lagu soo diray qaab emayl ama fariin qoraal ah. fadlan si toos ah noola soo xiriir si aad u xaqiijiso. Ha bixinin macluumaad shakhsi ah. ama ha sameynin wax lacag bixin ah ama tabarucaad ah haddii aadan hubin run ahaanta emaylka ama farriinta qoraalka ah.
- Si aad noola soo xiriirto si aan u xaqiijino ama aan uga warbixinno dhaqdhaqaaqyada laga shakiyo, fadlan soo wac +(603) 2773 2828 ama iimaylkadonormalaysia@unhcr.org
Fadlan ogow in UNHCR ay si adag u dhaqan galiso siyaasad dulqaad la’aan ah oo ku saabsan falalka quseeya anshax darada iyo khiyaanada. Isticmaalka aan la fasaxin ee magaca, astaanta ama tilmaamida qorshayaasha ee Qaramada Midoobay/UNHCR/UNHCR-da Malaysia waa sharci darro. Dhaqdhaqaaqyada noocan oo kale ah waxaa lagu wargalin doonaa hay’adaha ay khuseyso si looga qaado talaabooyin ku habboon.