Dib noqoshada ikhtiyaarka ah Suaalaha inta badan laiswaydiiyo FAQ

Ku Soo Dhawoow dib u noqosho Ikhtiyaariga ah Su’aalaha Badanaa La Weydiiyo (FAQ). Halkan, waxaad ka heli kartaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan habka,dib u noqoshoda Ikhtiyaariga iyo sidoo kale inta ay le’eg tahay ku lug lahaanshaha UNHCR Malaysia dib u noqoshoda Ikhtiyaariga.

Si aad u hesho, xogto guud iyo mid Kiiskaaga u Gaar ah oo ku saabsan dib u noqoshoda Ikhtiyaariga

Xagee ayaan ka helayaa macluumaadka ku saabsan dib u celinta ikhtiyaariga ah ee waddankayga iyada oo loo marayo waajibaadka UNHCRta?

K
C

Buug-gacmeedka UNHCR Dib u celinta ikhtiyaariga ah waxay bixisaa macluumaad faahfaahsan oo ku saabsan dib u celinta ikhtiyaarka ah ee UNHCR siyaasadda iyo ku dhaqanka. Buug-gacmeedka waa dukumeenti dadweyne.

Waxaan kaqeyb galay fadhiga latalinta dib u celinta ikhtiyaari ah oo la socoto waaxda Xallinta Waara. Ma la xiriiri karaa Waaxda Xallinta Waara ee intaa ka dib si aan u codsado wixii ku saabsan dib-u-noqoshadayda?

K
C

Looma baahna in lala xiriiro Waaxda Xallinta Waara adoo xafiiska imanaya, ama diraya warqado, fakis ama emayl. Waaxda Xalka Waara ayaa kula soo xiriiri doonta haddii ay jirto baahi loo qabo in la xalliyo wixii arrimaha taagan si loo sii qiimeeyo iyo/ama looga caawiyo soo laabashadaada ikhtiyaarka ah. Sidaa darteed aad ayey muhiim u tahay in aad la socodsiiso nambarada teleefoonkaaga iyo ciwaanka emailkaaga UNHCR adigoo buuxinaya foomka xiriirka, si uu xafiisku kula soo xiriiro markasta oo loo baahdo.

Baaxadda Ka-qaybgalka UNHCR Malaysia dib u noqosho Ikhtiyaariga ah

Kuma laaban karo wadankeyga maadaama uusan amaan aheyn, laakiin UNHCR ma i diri kartaa wadan deris la ah wadankeyga?

K
C

Dib-u-calinta ikhtiyaariga ah waxaa loola jeedaa ku noqoshada waddankaaga asalka ah ikhtiyaari ahaan iyada oo lagu jiro xaalado nabadgelyo iyo sharaf ah. UNHCR ma qaban qaabiso, ma caawiso mana fududeyso safar loogu baxayo wadan deris la ah.

Noloshaydu aad bay ugu adagtahay Malaysia. Waxaan jeclaan lahaa inaan aado wadan kale. UNHCR ma ii soo saari kartaa Foomka Dib ucelinta Ikhtiyaariga ah (VRF)?

K
C

Foomka Dib Ucelinta Ikhtiyaariga ah (VRF) waxaa la bixiyaa KELIYA haddii shakhsi uu muujiyo inuu doonayo inuu ku laabto wadankiisa asalka.

UNHCR ma awoodaa inay i caawiso haddii aan khatar ugu jiro in si qasab ah laygu celiyo wadankayga asalka?

K
C

UNHCR waxay u doodi doontaa shakhsiga si looga hortago in loo masaafuriyo waddanka uu asal ahaan ka soo jeedo, gaar ahaan haddii ay jiraan sababo aaminsan in nolosha qofka ay halis ku jirto haddii la soo celiyo.

Codsigaygii qaxootinimo ayaa ugu dambayntii la diiday marxaladdii racfaanka, oo hadda waxaan jeclaan lahaa inaan ku laabto waddankeyga hooyo. UNHCR ma caawin kartaa?

K
C

Ka dib markii codsigaaga qaxootinimo lagu soo diido heerka racfaanka, hadda ma tihid ka diiwaan gashan UNHCR. Sidan oo kale, UNHCR ma awoodi doonto inay ku siiso Foomka Dib-u-celinta Iskaa ah (VRF). Taa baddalkeeda, waxaa laga yaabaa inaad tixgeliso inaad ula xiriirto IOM latalin adigoo u soo diraya iimaylka AVRmalaysia@iom.int. Codsadayaashu waxay u baahan doonaan inay bixiyaan kharashaadka oggolaanshaha bixitaankooda iyo fisada gaarka ah.