Waxaa farxad u ah UNHCR inay ku dhawaaqdo Furitaanka Xarunta Wacyigalinta Bulshada ee Johor (JOCC) 3 Ogosto 2020. Iyadoo lala kaashanayo Hay’ada aan dawliga ahayn-NGO- ee Cahaya Surya Bakti. Xarunta wacyigalintu waa qeyb ka mid ah dadaalka UNHCR si wax looga qabto caqabadaha jira iyo khasaaraha soo food saara dadka qaxootiga iyo magangalyo-doonka ah ee kayimaada goboladda kale kuwaas oo u gala safar masaafo dheer xafiiska UNHCR ee Kuala Lumpur arimah caadiga ah awgeed sida helitaanka macluumaadka iyo dib u cusbooneysiinta dukumiintiyada.
Xarunta oo ku taal Kempas, Johor, waxaa maamuliya Hay’ada aan Dawliga ahayn -NGO- ee Cahaya Surya Bakti (CSB) iyadoo kaashanaya UNHCR. Fadlan ogow in xarunta JOCC aysan ahayn Xafiiska Shaqada UNHCR.
Xafiiska JOCC wuxuu bilaabi doontaa inuu la xiriiro dadka qaxootiga iyo magangalyo-doonka ah ee kunool Johor si ay ugu yimaadaan xarunta cusboonaysiinta dukumiintiyada awgeed. Arintan waxaa lagu sameyn doonaa ballan kaliya. Kuwa yimaada Xarunta JOCC ballan la’aan waxaa laga codsan doonaa inay isla markiiba baxaan.
Fadlan xaga hoose ka hel macluumaadka Xarunta JOCC:
- Cinwaanka: No. 38, Jalan Kempas Utama 2/4, 81300 Johor Bahru.
- Lambarada lagala soo xiriiro: 07-5547432, 07-5547631.
- Saacadaha Shaqada: 8.30 subaxnimo – 4.30 galabnimo (kaliya ballan).
- Maalmaha ay furantahay: Axad ilaa Khamiis (Kaliya ballan).