Nnoqoshada ikhtiyaarka

UNHCR waxa ay fududaysaa dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ama dib u celinta ikhtiyaarka ah iyada oo la bixinayo macluumaadka waddanka ujeeddada ah si loo hubiyo go’aan-qaadasho xog-ogaal ah, hagitaan tallaabo-tallaabo ah oo ku saabsan hababka bixitaanka ee Malaysiya iyo Foomka dib u celinta ikhtiyaarka (VRF), dukumeenti loo baahan yahay si looga baxo Malaysia.

La xidhiidh UNHCR

Haddii aad ka diiwaan gashan tahay UNHCR oo aad rabto in aad ku laabato dalkaagi, waxa aad UNHCR ku wargelin kartaa in aad danaynayso in aad ku noqoto adiga oo buuxinaya foomka xidhiidhka.

Marka aanu helno niyadaada inaad rabto ku laabanayso, Waxda Xalka Waara ee UNHCR ayaa kula soo xidhiidhi doonta si ay kuu gu qabato ballan la-talinta dib u noqoshada ikhtiyaarka ah. Inta lagu jiro kulanka la-talinta, waxaa lagu siin doonaa macluumaad kaa caawinaya inaad gaarto go’aan xog ogaal ah oo ku saabsan haddii aad si ikhtiyaari ah ugu laabato dalkaagi hooyo, oo ay ku jiraan xaaladda dalkaagi iyo hababka socdaalka.

Fadlan ha iibsan tigidhka duulimaadka ka hor intaadan ka qayb galin fadhigaaga latalinta dib-u-noqoshada maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inay khasaarto. Haysashada tigidhka duulimaadku sinaba uma tarjumi doonto ballan hore oo la-talin ah oo lala yeesho UNHCR.

Alaabta la xidhiidha soo noqoshada ikhtiyaarka ah

Alaabta la xidhiidha soo noqoshada ikhtiyaarka ah

Voluntary Return Webinar

WARARKA MUHIIMKA AH: Fadlan ogow in webinar-ka kor ku xusan la qabtay Juun 2024. Webinar-ka laga bilaabo daqiiqadda 4:08 ilaa 6:48, waxaa lagu sheegay in barnaamijka Dib-u-Celinta iyo Dib-u-Dhiska ee Mutadawacnimada ah ee Hay’adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM) – AVRR, lagu siin karo taageero tigidh duulimaad qaar ka mid ah dadka doonaya in lagu qiimeeyo barnaamijka. 14 Abriil 2025, IOM waxay ku wargelisay in hadda aysan jirin maalgelin la heli karo oo hoos timaada barnaamijka AVRR, sidaas darteed taageerada tigidhada duulimaadka waa la joojiyay waqtigan. Fadlan sidoo kale ogow in UNHCR aysan bixin taageero tigidh duulimaad oo loogu talagalay soo celinta mutadawacnimada ah. Sidaas darteed, dadka doonaya inay si mutadawacnimo ah ugu laabtaan dalkooda waa mas’uuliyadooda keliya inay helaan tigidhkooda duulimaad iyagoo adeegsanaya awoodooda iyo kharashkooda.

 

Su’aalo ayaan qabaa?

Macluumaad intaas ka badan, oo kusaabsan dib u noqoshada ikhtiyaariga ah fadlan waxaad eegtaa Su’aalaha Inta badan la Isweydiiyo (FAQ).