dib u noqoshada ikhtiyaariga ah

UNHCR waxa ay fududaysaa dib u noqoshada ikhtiyaariga ah ama dib u celinta ikhtiyaarka ah iyada oo la bixinayo macluumaadka waddanka ujeeddada ah si loo hubiyo go’aan-qaadasho xog-ogaal ah, hagitaan tallaabo-tallaabo ah oo ku saabsan hababka bixitaanka ee Malaysiya iyo Foomka dib u celinta ikhtiyaarka (VRF), dukumeenti loo baahan yahay si looga baxo Malaysia.

La xidhiidh UNHCR

Haddii aad ka diiwaan gashan tahay UNHCR oo aad jeceshahay inaad ku laabato dalkaagi, waxaad UNHCR ku wargelin kartaa rabitaan kaaga inaad ku noqoto adiga oo buuxinaya foomka xidhiidhka ee dib noqoshada ikhtiyaariga ah (Request for Counselling).

Markaa nu hesho niyadaada inaad rabto ku laabanayso, Waxada Xalka Waara ee UNHCR ayaa kula soo xidhiidhi doonta si ay kuu gu qabato ballan la-talinta dib u noqoshada ikhtiyaarka ah. Fadlan la soco in fadhiyada la-talinta dib-u-noqoshada ikhtiyaarka ah in hadda lagu qabto si fog iyadoo la eegayo taxaddarrada COVID.

Fadlan ha iibsan tigidhka duulimaadka ka hor intaadan ka qayb galin fadhigaaga latalinta dib-u-noqoshada maxaa yeelay waxaa laga yaabaa inay khasaarto. Haysashada tigidhka duulimaadku sinaba uma tarjumani doon ballan hore oo la-talin ah oo lala yeesho UNHCR.

La-talinta dib u noqoshada ikhtiyaarka ah

  • Kulanka la-talinta ka dib, UNHCR ayaa go’aan ka gaari doonta haddii lagu siin karo Foomka dib-u-noqoshada (VRF). VRF uxuu muhiim uyahay inaad la xiriirto maamulka Socdaalka Malaysia oo aad hesho ogolaanshaha bixitaanka.
  • Kadib markaad hesho VRF, waa inaad ballan ka samaysataa Xafiiska Socdaalka adoo sii maraya marinka socdaalka Malaysia .
  • Kadib marka aad ballan ka hesho socdaalka, iibso tigidhka duulimaadka. Waa muhiim inaad jadwal u sameysato duulimaadkaada dhamaadka 30 maalmood ka dib taariikhda ballanta socdaalka.
  • Maalinta ballanta Xafiiska Socdaalka, fadlan soo qaado waxyaabaha soo socda:
    1. Baasaboorkaaga ansax ah ama Shahaadada Degdegga ah ee safaaraddaada (meesha baasaboor lumay)
    2. Foomka Dib-u noqoshada ikhtiyaariga ah (VRF)
    3. Tigidhka duulimaadkaaga
    4. Lacagta lagu bixiyo ganaaxa joogitaanka dheeraadka ah (taas oo u dhaxaysa RM100 ilaa RM3000 qofkiiba, taas oo ku xidhan heerkaaga qaxoonti iyo dhererka joogitaankaaga, sida uu ku taliyo Xafiiska Socdaalka)
  • Haddii wax walba si fiican u dhacaan maalinta ballantaada xafiiska socdaalka, waxaa lagu siin doonaa ogolaansho gaar ah iyo ka bixitaan (kaas oo yeelan doona 30 maalmood oo ansax ah) isla maalintaas.

Su’aalo ayaan qabaa?

Macluumaad intaas ka badan, oo kusaabsan dib u noqoshada ikhtiyaariga ah fadlan waxaad eegtaa Su’aalaha Inta badan la Isweydiiyo (FAQ).