Xafiiska UNHCR ee Malaysia ma bixiyo Ruqsadaha Wadista

Tuesday / 05 May 2020

UNHCR waxay aragtay maqaalo warar ah oo ka warbixineya ruqsadaha wadista ee dadka qaxootiga oo sida la sheegay ay bixiso UNHCR. Dukumintigaan waa been. Xafiiska UNHCR ee Malaysia ma bixiyo Ruqsadaha Wadista

Waxaan jeclaan lahayn inaan sii xoojino in UNHCR keliya ay bixiso kaararka aqoonsiga qaxootinimo ee dalka, taas oo kadhigan inay xaqiijiso in qofka kaarka haysta uu yahay qaxooti oo ubaahan badbaadin caalami ah oo aan si qasab ah loogu celin karin dal ay khatar ku gelyso noloshooduu ama xorriyaddooduu. Kaararkayagu xaq kale uma siinayaan qofka wata oo ay kujirto xaqa wadista baabuurta wadanka

Xusuusnow in dhammaan adeegyadda UNHCR ay lacag la’aan yihiin. Fadlan ku soo wargeli dhammaan kiisaska looga shakisan yahay khyaanada iyo musuqmaasuqa:

  • Xafiiska kooxda Khatarta, sharafta & Kormeerka UNHCR ee Malaysia ee loo yaqaano Risk, Integrity & Oversight Team (RIOT) mIslufrd@unhcr.org, ama ku wargelin
  • Xafiiska Kormeeraha Guud (IGO) ee Xarunta dhexe ee UNHCR (HQ) inspector@unhcr.org.

Fadlan waxaan kuu ballan qaadaynaa in dhammaan warbixinnada loola dhaqmi doono si qarsoodi ah. Waxaa lagaa codsan doonaa inaad ku qorto magacaaga iyo lambarka lagaala soo xiriiri karo warbixinta si aan dabagal ugu sameynno sida ugu habboon.



Share