Si loo yareeyo faafitaanka caabuqa COVID-19, Dowladda Malaysia ayaa balaarineysa helitaanka tallaalka carruurta ay da’doodu u dhaxayso 5 ilaa 12 jir. Waxaa la filayaa in ku dhawaad 4 milyan oo caruur ah ay heli doonaa tallaalka oo ay ku jiraan ciyaalka qaxooti iyo magan-gelyo doon ah ee da’dooduu u dhaxayso 5 ilaa 12 sano jir Tani waxay ka caawin doontaa:
- In laga ilaaliyo carruurta Nidaamyada caabuqa tirade badan ee kudhacay ciyaalka ee loo yaqaano Multisystem Inflammatory Syndrome (MIS-C) iyo saameynt dabadda dheer ee covid-ka ee uu keeno caabuqa COVID-19.
- Si loogu ogolaado in ciyaalku si badqab leh ugu milmaan bdadka kale.
- Si loo yareeyo noocyada caabuqa ee ka jira dugsiyada/xarumaha waxbarashada iyada oo loo marayo habka ilaalinta dadweynaha ee dadban ( Population immunity).
Dhammaan carruurta ku jirta da’ kooxeedkan waxay heli doonaan 2 cirbadood oo tallaalka Pfizer ah iyadoo ay u dhaxayso 8 toddobaad. Tani waa qiyaas daawo oo la dhimay marka la barbar dhigo tan la siiyo dadka waaweyn iyo waqti dheer oo u dhexeeya labada cirbadood si loo hubiyo in tallaalka si wanaagsan loogu dulqaato.
Ka diiwaan-gelinta carruurtaada ee ololahani waa ikhtiyaari buuxa, laakiin dhammaan waalidiinta ama mas’uuliyiinta waxaa lagu dhiiri-gelinayaa inay diiwaan-geliyaan carruurtooda si ay uga ilaaliyaan caabuqa COVID-19 iyo saameynta mustaqbalka fog.
Waxaad sidaas ku sameyn kartaa adiga oo u diiwaan-gelinaya ilmahaaga in uu yahay qof kugu tiirsan (dependent) adiga oo isticmaalaya barnaamijka MySejahtera. Hadda, tallaalka ayaa laga heli karaa xarumaha tallaalka oo gooni ah (PPV); kuwaas oo kala ah isbitaalada, rugaha caafimaadka, xarumaha PPV-ga isku dhafan iyo PPV-ga ka baxsan goobta.
Muuqaalka tilmaam fiidyaha ah ayaa lagu heli karaa luqadaha Arabic, Urdu, Tamil, Rohingya, Tedim iyo Persian barta YouTube-ka ee Qaxootiga Malaysia.
Dhanka kale, sii wad inaad feejignaato, ku dhaqan 3W kana fogoow 3C!
Ku dhaqan 3W –
- Dhaq gamcahaaga.
- Xiro maaskaro/Af-xir.
- Ka digtoonow digniinaha kasoo baxday hay’adaha ay khusayso.
Ka fogoow 3C –
- Ka fogow meelaha dadku ku badan yahay.
- Iska ilaali meelaha xaddidan.
- Iska ilaali wada sheekeysiga dhow.
Boodhka: Ka fogoow 3C, Ku dhaqan 3W.
* Nidaamyada caabuqa tirade badan ee kudhacay ciyaalka ee loo yaqaano Multisystem Inflammatory Syndrome (MIS-C) waa xaalad ay qaybaha kala duwan ee jirku barari karaan oo ay kujiraan wadnaha, sambabada, kelyaha, maskaxda, maqaarka, indhaha ama xubnaha caloosha. (Xigasho:Xarumaha Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada (Centers for Disease Control and Prevention)
** Long Covid – Dhibaatooyin caafimaad oo badan oo cusub, oo soo noq-noqda ama jooga hada oo ay dadku la kulmi karaan afar toddobaad ama ka badan ka dib marka ugu horreysa ee uu ku dhoco fayraska sababa COVID-19. (Xigasho:Xarumaha Xakameynta iyo Kahortagga Cudurrada (Centers for Disease Control and Prevention)