UNHCR Malaysia waxay furtay kanaaladayada Telegram-ka rasmiga ah ee 13 luqadood ee loogu talagalay qaxootiga iyo magangalyo-doonka si ay si toos ah uga helaan macluumaadka waxtarka leh ee UNHCR.
Dhammaan qaxootiga iyo magan-gelyo-doonka waxaa lagu dhiirigelinayaa inay ku biiraan kanaalada si aad ula socoto wararkii ugu dambeeyay ee UNHCR. Macaamiisha ma awoodi doonaan inay ka jawaabaan fariimaha ay wadaagto UNHCR. Dhammaan magacyada isticmaaleyaasha iyo lambarrada taleefannada sidoo kale way qarsoonayaan. Nambarada taleefoonada macaamiishu ma arki karaan macaamiisha kale ee kanaalka laakiin waxaa arki kara UNHCR.
Sida loogu biiro kanaalada telegramka ee UNHCR Malaysia:
- soo dejiso barnaamijka Telegram
- Barta Raadinta ee Telegramka, ku qor ‘Qaxootiga Malaysia’. Waxaad awoodi doontaa inaad ku aragto kanaalo luqado kala duwan ku qoran
- Guji magaca kanaalka aad jeceshahay
- Guji ‘Join’ si aad ugu biirto kanaalka
Kanaalka la heli karo waa Arabic, Burmese, English, Hakha, Jingpo, Malay, Mon, Persian, Rohingya, Somali, Tamil, Tedim, and Urdu.
Adeeggan Telegram dhamaystiri doona websaydka refugeemalaysia.org kaas oo qof walba lagu dhiirigelinayo inuu si joogto ah u booqdo..
Fadlan hel fiidiyoowga sharaxaya ah sida loo soo dejiyo Telegram is aad ugu biirto kanaalada UNHCR ee Rohingyahalkan.