Ilaalinta Carruurta

UNHCR waxaa ka go’an inay ka ilaaliso caruurta qaxootiga iyo magangelya-doonka, iyo dhalinta khatarta. Waxaan la shaqaynaa la-hawlgalayaal si aan u caawinno carruurta la dhibaateeyay, la dayacay, laguna shaqeysto; taageer carruurta iyo qoysaska raba inay soo sheegaan dhacdada ilaalinta ilmaha; kuna xidhaan caruurta badbaadayaalka ah, iyo waalidiintooda ama dadka mas’uuliyiinta ka ah latalin sharci iyo faragelin, taageero nafsiyadeed, meelayn badbaado leh, iyo waxbarasho. Haddii aad taqaano ilmo qaxooti ama magangalyo-doon ah oo halis ku jira, fadlan la soo xidhiidh mid ka mid ah la-hawlgalayaasha UNHCR ee hoos ku qoran.

Ururada aan bahwadaaga nahay

Organisation HOST International Dignity for Children Foundation ElShaddai Centre Cahaya Surya Bakti HumanKind
Details Area: All states in Malaysia

Target Group: 17 and below based on HOST's intake criteria

Language: English, Malay, Rohingya

Operating Hours: Monday-Friday (9.00am-5.00pm) Area: Sentul, Kuala Lumpur

Target Group: 5-17 years old

Language: English, Malay, Burmese, Urdu

Operating Hours: Monday-Friday (8.00am-6.30pm) Area: Klang

Target Group: All children

Language: English, Malay

Operating Hours: Monday-Friday (9.00am-5.00pm) Area: Johor

Target Group: All children

Language: English, Malay and Rohingya

Operating Hours: 8.30am-4.30pm, Monday-Friday Area: Nationwide

Target Group: 6-17 years old

Language: Malay, English

Operating Hours: Monday-Sunday (6.00pm-12.00am)

Services Case management, community based interventions, referrals to appropriate services, basic mental & sexual & reproductive health counselling for children being case manage. Case management, mental health and psychosocial support services, linkages to education programmes, referrals to appropriate services Case management, mental health and psychosocial support services, shelter, and referrals to appropriate services Case management and referrals to appropriate services Mental health and psychosocial support services
HOST International Dignity for Children Foundation ElShaddai Centre Cahaya Surya Bakti HumanKind
Details:

Area: Klang Valley

Target Group: 10–17 years old

Language: English, Malay, Rohingya

Operating Hours: Monday-Friday (9.00am-5.00pm) Details:

Area: Sentul, Kuala Lumpur

Target Group: 5-17 years old

Language: English, Malay, Burmese, Urdu

Operating Hours: Monday-Friday (8.00am-6.30pm) Details:

Area: Klang

Target Group: All children

Language: English, Malay

Operating Hours: Monday-Friday (9.00am-5.00pm) Details:

Area: Johor

Target Group: All children

Language: English, Malay and Rohingya

Operating Hours: 8.30am-4.30pm, Monday-Friday Details:

Area: Nationwide

Target Group: 6-17 years old

Language: Malay, English

Operating Hours: Monday-Sunday (6.00pm-12.00am)

Services:

Case management, mental health and psychosocial support services, community-based interventions, referrals to appropriate services Services:

Case management, mental health and psychosocial support services, linkages to education programmes, referrals to appropriate services Services:

Case management, mental health and psychosocial support services, shelter, and referrals to appropriate services Services:

Case management and referrals to appropriate services Services:

Mental health and psychosocial support services

Adeegyada Dawladda

Haddii ay jirto dhacdo ku saabsan tuhun xadgudub ilmo iyo dayacaad oo u baahan gargaar deg-deg ah, Ka raadso taageero deg-deg ah isbitaalka dawlada ee kuugu dhow oo leh Xarunta Adeegga wadareedka ee loo yaqaano One-Stop Service Centre (OSCC) iyo/ama kooxda ku shaqa leh Tuhunka xadgudubka iyo dayacaada carruurta loo gaysto ee loo soo gaabiyo (SCAN)

Haddii kale, waxaad la xiriiri kartaa Talian Kasih, oo ah khad taleefan oo ay maamusho Wasaaradda Haweenka, Qoyska iyo Horumarinta Bulshada Malaysia si aad uga warbixiso xadgudubka ama dayacaada carruurta.

Talian Kasih

Language Malay and English
Operating Hours 24 hours a day

Booliiska

Haddii adiga ama ilmo aad taqaanid ay la kulmeen xadgudubka galmada ilmaha, sida kufsiga, faraxumayn jinsi, ama dhibaataynta jinsi, waxaad raadsan kartaan caawinaad adigoo kiiska ku wargelinaya booliiska. Haddii aad kiiska u gudbiso booliiska, raac talaabooyinkan:

  • Haddii ay suurtagal tahay, ilmaha waa in uu qof weyn u soo raacaa Xarunta Booliska Degmada kuugu dhow (sidoo kale loo yaqaan IPD) si ay u sameeyaan warbixin booliis. Qofkan weyni waa inuu noqdaa qof uu ku kalsoon yahay ilmuhu, wuxuuna noqon karaa waalid, qof masuul ka ah, qaraabo, hogaamiye bulsho, ama macalin.
  • Qofka weyn iyo ilmaha labaduba waa inay soo qaataan dukumiintiga aqoonsiga marka ay IPD-da imaanayaan si ay warbixinta u sameynayaan.
  • Warbixinada booliiska waa in lagu qoraa luqada Malaysia ama Ingiriis midkood. Warbixintu waxay ka koobnaan doonta faah-faahinta wixii dhacay, taariikhda iyo waqtiga ay dhaceen, halka ay ka dhacday iyo cidda geysatay xadgudubka.
  • Haddii adiga ama ilmuhu ay daan ku hadli karin luqada Malaysia ama Ingiriisi, isku daya inaad soo kaxaysataan qof adiga iyo ilmuhu aad ku kalsoon tihiin oo idinka caawin kara inuu u turjumo warbixinta luqada Malaysia ama Ingiriisi.
  • Sarkaalka Baadhaya (IO) ee IPD ayaa qaadi doona bayaanka ilmaha, una raaci doona ilmaha Waaxda Gurmadka deg-dega ah ee isbitaalka dawladeed halkaas oo uu kula kulmi doono shaqaalaha caafimaadka iyo bulshada kuwaas oo loo tababaray inay ka shaqeeyaan kiisaska xadgudubka galmada ee caruurta. Waxaa loo yaqaanaa kooxda SCAN (Tuhunka xadgudubka iyo dayacaada carruurta).
  • Kooxda SCAN waxay caafimaad ahaan ku baadhi doonaan ilmaha qol gaar ah, waxayna siin doonaan adeegyo caafimaad iyo taageero. Tan waxaa ku jiri kara in ilmaha loo gudbiyo Waaxda Daryeelka Bulshada (sidoo kale loo yaqaan JKM) iyo NGO-yada.

Haddii uu ilmuhu u baahan yahay ilaalin dheeraad ah iyo adeegyada maareynta kiisaska, waxaa lagu xidhi karaa la-hawlgalayaasha ilaalinta carruurta ee UNHCR iyada oo loo marayo macluumaadka xidhiidhka sare.

Waxyaabaha la Xiriira Ilaalinta Carruurta

Webinar la xiriira Ilaalinta Carruurta