Websaydka cusub ee Qaxooti Malaysia

Friday / 29 November 2019

Fadlan lasoco in dhamaan shaqsiyaadka raba inay la kulmaan UNHCR Malaysia ay qasab ku tahay inay balan samaystaan.

Waxaa laga dhaafay shuruudahan waa shakhsiyaadka horey u haysta kaarka UNHCR ama dukumiinti kale oo UNHCR ah. Dadku waxaay u imaan karaan UNHCR iyagoon balan lahayn keliya marka ay:

  1. Diiwaan gashaan ilmo cusub oo u dhashay
  2. Marka ay Kaarar lumay so shegayaan
  3. Marka ay dukumantiyo cusboonaysiinayaan

Shakhsiyaadku waxay ka codsan karaan ballanta UNHCR qadka tooska ah laga bilaabo 2da Diseembar 2019, Isniinta, iyagoo adeegsanaya maregtan websaydka Qaxootiga-Malaysia.

Kani waa websayd cusub oo ay UNHCR Malaysia tijaabinayso, halkaas oo ay dhowaan qaxootigu awoodi doonaan inay ku helaan macluumaadka ay uga baahan yihiin ilaalinta iyo adeegyada gargaarka.. Mid ka mid ah howlaha ugu horreey ee websaydkan laga heli doona waa codsiga ballamaha.

Fadlan la soco in imareegta websaydku uu hadda ku qoran yahay Ingiriis. Waxaan ka shaqeynaynaa sidii aan ugu soo kordhin lahayn luqadaha kale mustaqbalka dhow.

Dhammaan codsiyada la soo diro waxaa maareyn doona UNHCR. Si kastaba ha noqotee, sababtoo ah UNHCR waxay heshaa boqolaal emayl ah maalin kasta, fadlan dulqaado haddii aadan helin jawaab degdeg ah.

Haddii aad mar hore soo diratay codsiga ballanta, fadlan ha soo dirin mar kale maxaa yeelay waxay sababi doontaa dib u dhac kale oo ku yimaada jadwalka balantaada.



Share