Balamaha UNHCR (5 Maarso 2021)

Friday / 05 March 2021

UNHCR waxay bilaabi doontaa inay lasoo xiriirto dadka qaxootiga iyo magangalyo-doonka ah si ay ugu yimaadaan xafiiska cusbooneysiinta dukumintiyada iyo wareysiyada diiwaangelinta. Marka la eego Amarka Xakameynta Dhaqdhaqaaqa Xadidan (CMCO) iyo Nidaamka habraaceeda (SOPs), UNHCR waxay bilaabi doonaa inay la xiriirto shaqsiyaadka ku sugan aagaga Kuala Lumpur iyo Selangor keliyah. Fadlan ha imaanin xafiiska ilaa xafiiska lagaala soo xiriiro.

UNHCR waxay bilaabi doontaa inay u yeerto shaqsiyaadka ka yimid gobolada kale ee ka baxsan Kuala Lumpur iyo Selangor marka la ogolaado isu safarka gobolada dhexdooda. Ha iman UNHCR haddii aadan ku noolayn Kuala Lumpur ama Selangor gudaheeda.

Kuwa lala soo xiriiray ballan awgeed waxaa la siin doonaa taariikh iyo waqti ay Xafiiska ku yimaadaan. Waxaad heli doontaa SMS xaqiijin ah oo ka kooban taariikhda iyo waqtiga ballantaada Waxaad u baahan doontaa inaad tusto SMS-ka xaqiijinta ah Xarunta Qaabilaadda ka hor inta aan laguu oggolaanin inaad soo gasho. Kuwa xafiiska yimaadda iyaga oo aan wadan ballamo waxaa isla markiiba laga codsan doonaa inay iska laabtaan.



Share