UNHCR-Bangiga Adduunka oo Daraasad Wadajir ah ka sameeyay Hab-nololeedka Qaxootiga

Wednesday / 04 October 2023

Fadlan la soco in UNHCR Malaysia iyo Bankiga Adduunku, ay hadda wadaan mashruuc daraasadeed oo la xidhiidha hab-nololeedka qaxootiga Malaysia. Mashruuca waxaa ku jira sahan, kaas oo ujeedadiisu tahay in la ururiyo macluumaadka xaaladaha nololeed ee qaxootiga marka loo eego bulshada martida loo yahay ee Malaysia. Waxaa la rajeynayaa in natiijada mashruuca ay gacan ka geysato wargelinta iyo hagaajinta siyaasadaha iyo barnaamijyada la xiriira qaxootiga iyo magangalyo-doonka Malaysia.

UNHCR waxay IPSOS u hawlgelisay sidii shuraako cilmi baaris ah si ay u taageerto ururinta xogta daraasadda, taas oo ku lug yeelan doonta 2 marxaladood, xog-ururin, sahaminta . Ogeysiiskani wuxuu u adeegaa inuu ku wargaliyo qaxootiga iyo magangelyo-doonka in laga yaabo inay IPSOS kula soo xiriirto haddii si aan kala sooc lahayn laguu doortay inaad tahay ka qaybqaata suurtagalka ah ee sahankan.


Layliga wacitaanka

  1. Waxaa laga yaabaa inaad kahesho wacitaan qof matalaya IPSOS, kaasoo ku weydiin doona su’aalo taxane ah si loo xaqiijiyo aqoonsigaaga.
  2. Marka la xaqiijiyo aqoonsigaaga, waxaa lagu weydiin doonaa inaad xiisaynayso inaad ka qaybgasho sahanka, kaas oo lagu samayn doono jidh ahaan. Haddii aad ogolaato, IPSOS waxay samayn doontaa ballan si ay kuugula kulmaan meel iyo wakhti kugu saxsan.
  3. Haddii aadan rabin inaad ka mid noqoto sahanka, waxaad wargelin kartaa IPSOS tan, mana jiro ballan waraysiga xogururinta adiga laguu ballansan yahay.

UNHCR waxa ay jeclaan lahayd in ay kuu xaqiijiso in ka qayb galka sahankan uu yahay mid iskaa wax u qabso ah, oo aanay wax cawaaqib ah ku yeelanayn ka qaybqaadashadaada. UNHCR waxay sidoo kale jeclaan lahayd inay ku nuuxnuuxsato in sahankani aanu sinaba ula xidhiidhin habaynta kiis shakhsi ahaaneed oo aanu sinaba saamayn ugu yeelanayn kiiskaaga.


Sahamin

  1. Haddii aad ogolaatay inaad ka qaybgasho sahanka inta lagu jiro layliga wacitaanka, IPSOS waxay samayn doontaa ballan si ay kuugula kulmaan meel kugu saxsan oo kugu istaahila.
  2. Inta lagu jiro sahanka: Marka wakiilka IPSOS uu kula kulmo, way iskaabarayaan oo waxay soo saari doonaan warqad xaqiijinaysa ka qaybqaadashadooda daraasadda. IPSOS ayaa markaas kuu sharxi doonta ujeedada sahanka waxayna heli doontaa ogolaanshahaaga ka qaybgalka.
  3. Haddii aad ogolaato, IPSOS ayaa markaas kula samayn doonta sahanka, kaas oo qaadan doona qiyaastii 90 daqiiqo oo wakhtigaaga ah.

Fadlan ogow in maadaama IPSOS ay tahay shirkad madax-bannaan oo ay ku hawlan tahay UNHCR ujeeddada keliya ee xog-ururinta ee daraasadda, IPSOS kama jawaabi doonto su’aalo kasta oo la xiriira habaynta kiis gaar ahaaneed.


La xidhiidh:
Haddii aad hayso wax su’aalo ah ama walaac ah oo la xidhiidha mashruuca, fadlan iimayl u dir MY-PA-Survey.Roma@ipsos.com ama wac +603 2289 3000.



Share