Qiimo-dhimista Xarumaha Caafimaadka Dowladda ee loogu tala galay Dhammaan dadka wata Kaararka iyo Waraaqaha UNHCR.

Thursday / 16 August 2018

Wasaaradda caafimaadka ayaa u fidinaysa qiimo dhimista 50% ee xarumaha caafimaadka dowladda dhamaan dadka haysta kaararka UNHCR iyo warqadaha. Wareegto rasmi ah oo ku taariikheysan 10-ka Ogosto 2018 kana soo baxday Wasaaradda Caafimaadka oo ku saabsan arrintan ayaa loo qaybiyay dhammaan xarumaha caafimaadka dowladda ee kuyaala Malaysia.

Marka arrintan la eego, dhammaan dadka haysta kaararka UNHCR iyo warqadaha waxay awoodi doonaan inay helaan 50% qiimo dhimis markii loo eego lacagaha laga qaado dadka ajaanibta ah ee xarumaha caafimaadka dowladda. Qiima dhimistan 50% ah looma fidinayo shaqsiyaadka haysta kaarka balanta ee UNHCR.



Share