Khayaamada iyo Musuqmaasuqa
Khiyaanadu waa falka aan la sheegin runta oo dhan si qof kale uu u rumeysto wax oo sidaas badelkeed aad wax ugu hesho, naftaada ama qof kale. Khiyaanadu sidoo kale waa inaadan runta oo buuxda ka sheegin shakhsiyadaada ama qariso runta oo buuxda.
Musuqmaasuqu wuxuu dhacaa marka dadka xilalka haya ay u dhaqmaan qaab aan daacad aheyn oo dano gaar ah ay ka leeyihiin. Tusaalooyinka musuqmaasuqa waxaa ka mid ah ka aqbalaada hadiyado iyo lacag dadka magangalyo-doonka iyo qaxootiga ah. Ma ah Keliya in wax la qaato. Waxaa kale oo ay ku lug leedahay ka bixinta iyo weydiinta wax kasta oo qiimo leh dadka kale iyo ururada.
Nidaamyada Dhiig-miiratanimo (Ka faa’iidaysiga)
Nidaamka dhiig-miiratanimadu waa marka dadka, ama kooxo dad ah, ay si been abuur ah u sheegaan inay xiriir gaar ah la leeyihiin UNHCR oo ay u ballan qaadaan faa’iido sida diiwaan-gelinta, dukumiintiga UNHCR iyo dib u dejinta waddan saddexaad si ay ugu badashaan wax qiimo leh, badanaa lacag. Qaxooti badan ayaa looga khiyaameeyay lacag badan iyadoo loo marayo qorshayaashan.
Tusaalooyinka nidaamyada dhiig-miirashada waxaa ka mid ah dadka sheeganaya inay ku xiran yihiin UNHCR ama dalalka dib u dejinta oo weydiisanaya lacag si ay uga caawiyaan helitaanka diiwaan-gelinta dukumiintiga, RSD-da ama dib u dejinta UNHCR.
Fadlan xusuusnow in dhammaan adeegyada UNHCR ay yihiin BILAASH. Ma bixin kartid lacag si aad UNHCR uga hesho adeeg kasta ama aad u dadajiso adeeg.
Macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan khiyaanooyinka ka faa’iidaysiga ee ka dhex jira bulshada qaxootiga ee Malaysia, fadlan booqo Iska jir bogga.
La dagaalanka kadhaka ah Khiyaamada iyo Musuqmaasuqa
Siyaasad aan dulqaad u laheyn khiyaamada iyo musuqmaasuqa
UNHCR waxay leedahay siyaasad aan dulqaad u laheyn dhammaan noocyada khiyaamada iyo musuqmaasuqa
Adeegyada UNHCR Waa BILAASH, Mar walba
Dhammaan adeegyada UNHCR mar walba waa bilaash. Ma bixin kartid lacag si aad uga hesho UNHCR adeegyo degdeg ah
Maya Dheh Musuqmaasuq
Bixinta iyo qaadashada lacag, ama u sameynta wax qof si uu u helo adeegyada UNHCR, waa KHALAD
Kooxda Khatarta, Daacadnimada iyo Kormeerka ee loo soo gaabiyo (RIOT)
Kooxda Khatarta, Daacadnimada iyo Kormeerka (RIOT) ee UNHCR Malaysia waxay fulisaa baaritaano ku saabsan dadka qaxootiga ee ku lug leh khiyaamada iyo musuqmaasuqa waxayna la socdaan dhaqdhaqaaqyada khiyaamo.
RIOT waxay sidoo kale ay u qabataa tabobar ku saabsan wacyigelinta iyo kasoo warbixinta khiyaanada dadka magangelyo-doonka iyo qaxootiga, shaqaalaha, ururadda ay UNHCR bahwadaaga yihiin.
Soo wargelinta Shaqaalaha ama hay’adaha bahwadaaga la ah UNHCR
UNHCR waxay leedahay siyaasad aan dulqaad u laheyn dhammaan noocyada khiyaamada iyo musuqmaasuqa waxayna si dhab ah u qaadaa khiyaamada qof kasta, xitaa shaqaalaheeda iyo la-hawlgalayaasheeda.
Haddii aad hayso xog ku saabsan khiyaamada iyo musuqmaasuqa ay sameeyeen shaqaalaha UNHCR iyo/ama Hay’adaha la-hawlgala UNHCR, fadlan u gudbi Xafiiska Kormeeraha Guud ee UNHCR (IGO) ee fadhigiisu yahay Geneva, Switzerland, si loo sameeyo baaritaan madaxbannaan. Tan waxaa lagu samayn karaa isagoo la adeegsanayo Foomka Cabashada online-ka ah ee IGO ama emayl u dir inspector@unhcr.org.
Xafiiska IGO-gu wuxuu u ilaalin doonaa dhammaan warbixinnada si adag oo qarsoodi.
Soo wargelinta dadka magangalyo-doonka ama qaxootiga ah
Waxaa jira laba (2) dariiqo si aad ugu soo gudbin karto RIOT warbixin sir ah oo ku saabsan khayaamada iyo musuqmaasuqa ay geystaan dadka magangalyo-doonka ama qaxootiga ah.
- Foomka Cabashada online-ka ah (Khayaano iyo musuq)
- Emayl u dir RIOT: mlslufrd@unhcr.org
Agabka La Xiriira Ka Hortagga Musuqmaasuqa iyo Khiyaanada
Khayaanada iyo Musuqmaasuqa Webinar
Dallaalka – Ka-hortagga Khiyaanada