Xirnaansha Guud (MCO 3.0) Laga bilaabo 1-da Juun 2021

Monday / 31 May 2021

Fadlan ogow in dawlada Malaysia ay ku dhawaaqday Amarka Xakameynta Dhaqdhaqaaqa (MCO 3.0), kaas oo ah xayiraad buuxda oo ka bilaabanaya 1-da Juun 2021 ilaa14 Juun 2021. Tani waxay u ekaan doontaa Amarkii Xakameynta Dhaqdhaqaaqa ee koobaad (MCO 1.0) ee lagu dhawaaqay Maarso 2020, taas oo wadata xayiraad adag oo lagu soo rogay dhaqdhaqaaqa iyo xirnaanshaha guud ee ku dhowaad dhammaan qaybaha marka laga reebo qaybaha muhiimka ah ee dhaqaalaha iyo adeegga. Waxaa sidoo kale lala wadaagi doonaa macluumaadka faaf-faahsan ee ku saabsan hab dhaqanka caadiga ah (SOPs)

Fadlan xusuusnow in howlaha bulshada sida booqashada asxaabta aan la ogoleyn. Joog guriga intii suurtagal ah oo kaliya u bax baahiyaha lagama maarmaanka ah sida cuntada ama daawada. Sii wad inaad joogtayso dhaqamada nadaafad dhawrka sida xidhashada maaskarada/afxirka saxda ah, gacmo dhaqashada joogtada ah iyo nadiifinta dusha sare.

Haddii aad dareento inaadan fiicneyn, isku day inaad ka fogaato kuwa aad guri wadaagaan. Fadlan iska baar COVID-19 sida ugu dhakhsaha badan oo sii wad inaad go’doon ku jirto inta aad sugeyso natiijooyinkaaga.

Dadka Qaxootiga iyo magangalyo-doonka ah waxaa lagu boorinayaa inay u hogaansamaan Hab Dhaqanka caadiga ah (SOPs) ee ay go’aamisay Dowlada Malaysia si loo joojiyo kororka naxdinta leh ee infekshinka COVID-19. Fadlan sii wad inaad hubiso oo aad eegto bogga Qaxootiga Malaysia si joogto ah wixii macluumaad ah ee ku saabsan MCO iyo waddooyinka gargaarka.



Share