Wareysiyada fogaan ee araga ah
UNHCR Malaysia inta badan waxay u yeedhaa dadka ay u daneynayso (POCs) si ay u yimaadaan xafiiskayaga oo ay waraysiga u galaan. Laakiin, hadda sabab xaaladda COVID-19, kuma qaban karno wareysiyo Xafiiska. Taa baddalkeeda, UNHCR waxay ku samaynaysaa taleefoonka waraysiyo tiro yar oo ay la samaynaysoo dadka ay u daneynayso oo raba inay sidaas sameeyaan. Tani waa si loo ilaaliyo caafimaadka qaxootiga iyo shaqaalaha UNHCR, iyadoo la raacayo awaamiirta xakamaynta dhaqdhaqaaqa iyo shuruudaha kala fogeynta bulshada ee ay soo dejisay Dowladda Malaysia.
Fadlan lambarka taleefankaaga cusbooneysii si aan kula soo xiriirno. Waad cusbooneysiin kartaa halkan websaydka UNHCR Malaysia ama adeegsiga SMS (tilmaamaha halkan).
Fadlan xusuusnow in dhammaan adeegyada UNHCR ay yihiin lacag la’aan. Haddii aad wax cabasho ah ka qabtid arrimaha la xiriira khiyaanada, fadlan iimayl u soo dirmlslufrd@unhcr.org. Haddii aad wax cabasho ah ka qabtid anshaxa shaqaalaha UNHCR, fadlan iimayl toos ah ugu dir xafiiska sare ee Genevainspector@unhcr.org. Su’aalaha Badanaa La Waydiiyo hoos wuxuu sharxayaa hababka UNHCR ee wareysiyada fog.
Su’aalaha Badanaa La Waydiiyo
Wixii macluumaad dheeraad ah, fadlan fiiri S Su’aalaha Badanaa La Waydiiyo (FAQ) oo ku saabsan Wareysiyada Fog. .