Ka digtoonow khiyaamooyinka: Haweenay Sheeganaysa inay ka shaqayso UNHCR

Wednesday / 08 February 2023

UNHCR ayaa heshay warbixin ku saabsan haweeney sheegato inay ka shaqeyso qeybta diiwaangelinta iyo dib u dejinta ee UNHCR. Haweenaydan ayaa qaxoontiga kula xidhiidhaysa WhatsApp waxayna codsatay inta u dhaxaysa RM300-500 in lagu soo wareejiyo akoon bangi si aad UNHCR uga hesho dukumentiyada, ballamaha iyo waraysiyada Diiwaangelinta iyo Dib u dejinta. Nambarada la yaqaan ee uu isticmaalo tuuggu waa 011-33321567 ama 011-16560601. Waxaa lagugula talinayaa inaadan ka jawaabin, iska indhatirin oo aadan tirtirin dhammaan fariimaha lambarradan. Haweeneydan ayaa ku wargelisay shaqsiyaadka hadii ay warbixin ka kudbiyaan ayada in la baabi’in doono dukumeentiyadooda UNHCR, lana xirayo kiisaskooda. Waxay kaloo ku andacoonaysaa inaysan waxba ku dhici doonin sababtoo ah waxay u shaqeysaa UNHCR.

Tani waa khiyaamo. Shakhsigani uma shaqeeyo UNHCR. Dhammaan adeegyada UNHCR waa bilaash. Ma siin kartid lacag shaqaalaha UNHCR ama qof kasta si uu kiiskaaga uga baaraandego Diiwaangelinta, Go’aaminta Xaaladda Qaxoontiga (RSD), Dib-u-dejin, ama ujeedo kale.

Ka digtoonow dadka sheeganaya inay xiriir gaar ah la leeyihiin UNHCR kuwaas oo kaa caawin kara inaad hesho waraysiyo ama dib u dejin hadii aad lacag bixiso. Ha la wadaagin macluumaadkaaga shakhsiyadeed iyaga.

UNHCR waligeed kuma waydiin doonto inaad lacag ugu xawisho lambarka akoonka bangiga. Shaqaale kasta oo UNHCR ka tirsan oo ku lug leh qaadashada lacagta qaxootiga ayaa isla markiiba shaqada laga joojin doonaa oo lagu wargelinayaa booliiska.

Kaarkaga UNHCR lama tirtiri doono kiiskaagana dib looma dhigi doono ama lama xidhi doono haddii aad u sheegto UNHCR hawlo shaki leh.

Haddii ay kula soo xiriiraan shakhsiyaad sheeganaya inay awoodaan inay bixiyaan adeegyada UNHCR (waraysiyada Diiwaangelinta, RSD, Dib-u-dejinta iwm.) si aad lacag u bixiso , dammi taleefanka isla markaaba tan ku wargeli:

  • Booliiska
  • adigoo adeegsanaya foormkaan UNHCR

Wixii macluumaad dheeraad ah ee ku saabsan hababka iyo kaalmada UNHCR, fadlan tixraac Qaxooti Malaysia website.



Share